Maxaa ka ogtahay waddooyinka adduunka ugu halista badan 2026?

GAWAARI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Marka lagu jiro safar dheer oo baabuur ah waxaa inta badan dhacda in lala kulmo ciriiri waddooyinka ah, waddooyin la dayactirayo ama calaamado kuu sheegaya inaad xawaaraha dhimato. Laakiin waddooyinka waxaa ku jira khataro ka sii daran kuwaas.

Bal qiyaas laba baabuur oo isku dhaafaya waddo buur ah, halkaas oo khalad yar oo keliya uu sababi karo masiibo.

Taasi waa xaqiiqada ka jirta qaar ka mid ah meelo badan oo dunida ah, halkaas oo jidka keliya ee meel laga tagi karo oo meel kale lagu gaari karo uu yahay inaad naftaada khatar geliso.

Sidaa darteed, suunka gaariga xir oo isu diyaari safar cabsi leh oo aan ku mari doonno qaar ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan dunida.

1. Waddada Keylong-Kishtwar, Hindiya

 Keylong-Kishtwar, Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Keylong-Kishtwar, Hindiya

Waddadan oo dhererkeedu yahay 235 kiiloomitir ayaa inta badan ah waddo carro iyo dhagax ah oo dhex marta buuraha. Waddada isku xirta Keylong iyo Kishtwar ee Hindiya waa mid aad khatar u ah.

Meelaha ay dooxyadu ku yaallaan ma jiraan wax xannibaadyo amni ah oo dhinacyada waddada ah. Waxaa intaas dheer khatarta dhul-go'a iyo isbeddelka xaaladaha cimilada.

Qayb ka mid ah waddada oo loo yaqaan "Cliff Hanger" ayaa ah mid aad u cidhiidhi ah, waxaana khatarta ugu weyn kasii dhalataa dhulka oo duma ama go'a haddii aad aad dhowaato cirifka.

2. Ibarska Magistrala, Serbia

Ibarska Magistrala, Serbia

Xigashada Sawirka, BrankaVV/Wikipedia Commons

Waddadan oo loo yaqaan "Waddada Madow", ama Waddada Qaranka 22, sidoo kalena loo yaqaan "Waddada Ibar", waa mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan Yurub, sidoo kalena waa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan dalka Serbia.

Waddadani waxay Belgrade ku xirtaa degmooyin waaweyn oo kale oo ku yaalla Serbia iyo dalalka deriska ah sida Montenegro.

Waxay leedahay leexleexadyo khatar ah oo sababa shilal badan, gaar ahaan xilliyada habeenkii. Shilal badan waxaa sababa xawaare xad-dhaaf ah ama darawallo khamri cabbay oo baabuur wada.

3. Transfăgărășsan, Romania

Transfăgărășsan, Romania

Xigashada Sawirka, getty mages

Romania waxay leedahay qaar ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan Yurub. Laakiin waddadeeda ugu caansan uguna halista badan waa Waddada Transfăgărășan.

Waddadan buuraha dhex marta oo aad u leexleexata ayaa meelaha qaar gaarta in ka badan 2,000 oo mitir oo ka sarreeya heerka badda, waxayna dhererkeedu yahay 150 kiiloomitir. Waxayna leedahay muuqaallo dabiici ah oo aad u qurux badan.

Waxay ka kooban tahay leexleexadyo fiiqan, tunnello iyo jiirarro dhaadheer, taasoo ka dhigaysa caqabad weyn oo ay la kulmaan dalxiisayaasha ku socda baabuurta.

Khatarta kale oo weyn oo aad waddadan kala kulmi karto waa adhi badan oo dhex socda waddada. Xoolo-dhaqatadu waxay sidoo kale waddadan u isticmaalaan inay adhigooda uga kala gudbiyaan daaqa.

4. Skippers Canyon Road, New Zealand

Skippers Canyon, Queenstown, New Zealand -

Xigashada Sawirka, Bernard Spragg/Wikipedia Commons

Qoraalka sawirka, Skippers Canyon, Queenstown, New Zealand

Skippers Gorge waa tog ku yaalla New Zealand oo uu dhex maro webiga Shotover. Sannadkii 1862-kii ayaa deegaanka laga helay dahab, taasoo keentay in waddo laga sameeyo togga.

Macdan-qodayaashu waxay waddada ku qodeen dhagaxa iyagoo adeegsanaya qalab gacmeed iyo walxaha qarxa. Maadaama ay dhagax tahay, waddadani way simbiriirixataa marka roobku da'o, waxayna dildilaacdaa marka ay qalasho.

Waxay leedahay leexleexadyo badan, waxaana dhererkeeda oo dhan oo ah 22 kiiloomitir meelaha qaarkood ku filan hal baabuur oo keliya.

Sababtoo ah khatarta waddadan, caymiska baabuurta la kireysto kuma shaqeeyo qaybtan waddada.

5. Barabara ya James Dalton, Marekani

James Dalton Highway, Maraykanka

Xigashada Sawirka, Alamy

Waddada James Dalton Highway, oo caan ku noqotay barnaamijka telefishinka ee Ice Road Truckers, waa waddo dheer oo isku xirta magaalada Fairbanks iyo deegaanka waqooyi ee Deadhorse, kaas oo ka sarreeya Circle-ka Arctic.

Waddadan oo dhererkeedu yahay 666 kiiloomitir ayaa loogu magac daray injineer reer Alaska ah, waxayna muhiim u tahay gaadiidka xamuulka ee shidaalka iyo sahayda u qaada shaqaalaha ka shaqeeya goobaha shidaalka.

Kaliya saddex meelood meel waddada ayaa laami ah, halka inta kale ay tahay carro iyo dhagax.

Xaaladaha cimilada xun, sida barafka iyo qabowga, ayaa ah khataraha ugu waaweyn ee dadka ku safra waddadan kala kulmaan. Khatar kale oo jirta ayaa ah bahallada waaweyn ee orsooyinka oo mararka qaarkood waddada soo gala.

6. Zojila Pass, Hindiya

Zojila Pass, Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Zojila Pass waa waddo muhiim ah oo isku xirta gobolka Ladakh iyo dooxada Kashmir. Maadaama ay ku taallo buuraha Himalayas, waddadani waxaa inta badan daboola baraf iyo baraf adag, waxaana marar badan la xiraa bilo badan.

Waddadu waxay u ballaaran tahay hal baabuur oo keliya. Ma jiraan xannibaado amni oo dhinacyada waddada ah, waxaana meelo badan aysan jirin wax u dhexeeya baabuurka iyo dooxada hoos u dhacaysa.

Si kooban, ma aha waddo ay mari karaan dadka qalbi jilicsan.

Tunnel cusub ayaa laga dhisayaa halkaas si looga ilaaliyo waddada cimilada adag ee jiilaalka, looguna fududeeyo in waddadu furnaato sannadka oo dhan. Hase yeeshee, weli lama oga in tunnelkaasi waddada ka dhigi doono mid ammaan badan.

7. Fairy Meadows Road, Pakistan

Fairy Meadows Road, Pakistan

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Fairy Meadows Road, Pakistan

Waddadan cabsi gelisa dadka waxay dhex martaa buuraha Pakistan, meelaha qaarna waxay joogtaa in ka badan 3,000 oo mitir oo ka sarreeya heerka badda. Waxayna u ballaaran tahay hal gaari oo keliya mar kasta.

Mar kale, ma jiraan wax xannibaado amni ah oo kaa celinaya inaad ku dhacdo dooxyada hoose.

Waddadani waa 16 kiiloomitir, waxayna isku xirtaa Karakoram Highway iyo tuulada yar ee Tato oo ku taalla Fairy Meadows National Park.

Waxaa loo oggol yahay oo keliya dadka deegaanka inay baabuur ku maraan.

8. Waddada Yungas, Bolivia

Waddada Yungas, Bolivia

Xigashada Sawirka, getty imags

Qoraalka sawirka, Waddada Yungas, Bolivia

Waddada North Yungas waa mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan dunida.

Waddadan oo dhererkeedu yahay 64 kiiloomitir ayaa isku xirta magaalada La Paz iyo gobolka Yungas ee Bolivia. Waxaa lagu qiyaasaa inay sannad kasta galaafatay celcelis ahaan 200 ilaa 300 qof, ilaa laga dhisay waddo cusub oo bixisay marin ka ammaan badan.

Waddadan cabsida leh waxay ka samaysan tahay carro iyo dhagax, waxayna dhex martaa buuraha. Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah ceeryaamo iyo roob, kuwaas oo yareeya aragtida isla markaana waddada ka dhiga mid simbiriirixan.

9. Sichuan-Tibet Highway, Shiinaha

Sichuan-Tibet Highway, Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sichuan-Tibet Highway, Shiinaha

Waddada Sichuan-Tibet Highway waa mid ka mid ah waddooyinka ugu sarreeya dunida, taasina waxay leedahay caqabado badan.

Waxaa jira baraf iyo dhul-go'ayaal, sidoo kale qaybo ka mid ah waddada ayaa ah hal-layn oo ku yaalla meelo aad u sarreeya, iyadoo aan lahayn xannibaado dhinacyada ah.

Waddadani sidoo kale aad ayay u mashquul badan tahay marka loo eego xaaladdeeda. Ciriiriga iyo saxmadda soo noqnoqota ayaa mararka qaarkood keenta in safarka waddada oo dhan uu qaato ilaa 15 maalmood, waxaana marka xaaladuhu adkaadaan darawallada dhex mara muranno.

Haddii aad ku dhiirrato inaad waddadan marto, waxaa lagugu abaalmarinayaa muuqaallo qurux badan oo ay ka mid yihiin buuro baraf daboolay iyo togag qoto dheer oo aad u cajiib ah.

10. Bayburt D915, Turkiga

Bayburt D915, Türkiye

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Bayburt D915, Türkiye

Waddada D915 oo si joogto ah u leexleexata ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan dunida, sababtoo ah leexleexadyo badan oo ay ku leedahay buuraha.

Waxay isku xirtaa xeebta Badda Madow ee waqooyiga iyo magaalada Bayburt, oo mar ka mid ahayd jidkii ganacsi ee qadiimiga ahaa ee Waddada Xariirta, kaas oo Shiinaha iyo Yurub isku xiri jiray.

Waddooyinku waa hab muhiim ah oo safarka gudaha ah, laakiin xaaladaha cimilada ee adag iyo khatarta leh ayaa inta badan u baahan taxaddar iyo dulqaad badan si si ammaan ah loogu safro.