Garaadka Macmalka ah oo loo isticmaalay in uu sameeyo Fayrasyo cusub

Naqshado AI ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, James Gallagher
    • Role, Health and science correspondent
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Cilmi-baadhayaal Maraykan ah ayaa sheegay in Garaadka Macmalka ah loo adeegsaday naqshadeynta fayrasyo gebi ahaanba cusub oo shaqeynaya isla markaana awood u leh in ay ku tarmaan shaybaadhka.

Tani waa markii ugu horreysay ee hiddo-sideyaal dhammaystiran si guul leh loogu naqshadeeyo AI.

Lix iyo tobanka fayras ee cusub ee la sameeyay waxaa loo abuuray in ay ku dhacaan bakteeriyada, mana laha wax khatar ah oo ay ku hayaan dadka.

Guushan ayaa lagu tilmaamay "isbeddel aad u weyn oo muhiim ah" oo dhanka sayniska ah, kaas oo keeni kara nidaam cusub oo lagu daweeyo cudurrada.

Hase yeeshee, khubaro ayaa sidoo kale ka digay in fayrasyada ay AI naqshadeyso ay keenayaan walaacyo degdeg ah oo la xidhiidha badbaadada iyo amniga.

Qalabka Garaadka Macmalka ah si xawli ah ayuu u horumarayaa, waxaana hore loogu adeegsaday naqshadeynta antibiyootigyo cusub.

Laakiin arrintaasi waa mid ka sahlan marka loo eego samaynta fayras cusub oo noolaan kara oo gebi ahaanba laga bilaabo eber.

Tiknoolajiyadan waxay u shaqeysaa si la mid ah moodooyinka waaweyn ee luuqadda sida ChatGPT, kuwaas oo saadaaliya sida ay isgu xigxigaan qoraalladu.

Kiiskan, moodooyinka AI ee loo yaqaan Evo1 iyo Evo2 waxay saadaaliyaan "luuqadda nolosha" halkii ay ka saadaalin lahaayeen erayada.

Moodooyinkan AI waxaa lagu tababaray koodhadhka hidde-sideyaasha ee fayrasyada, bakteeriyada, dhirta iyo dadka.

Kaddibna waxaa loo habeeyay in ay soo saaraan nooc fayras ah oo loo yaqaan bacteriophage, kaas oo kaliya ku dhaca noocyo gaar ah oo bakteeriyo ah.

Brian Hie

Xigashada Sawirka, Stanford University

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cilmi-baarayaasha Stanford ayaa doortay 302 naqshadood oo AI sameysay oo ay u arkeen kuwa ugu rajada wanaagsan, waxayna ku sameeyeen shaybaarka.

Kuwaas, 16 ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay si wax ku ool ah u dilaan bakteeriyada E. coli.

Samuel King, oo ah arday PhD ah oo ka tirsan shaybaarka, ayaa sheegay in ay ogaadeen in noocyadaasi u shaqeynayeen saacadihii hore ee waaberiga.

Noocyadaasi waxaa la dul saaray saxanno ay ku korayeen lakabyo bakteeriyo ah, saynisyahannaduna waxay sugayeen calaamado muujinaya in fayrasyadooda cusub ay bilaabeen in ay bakteeriyada cunaan.

"Waxaan bilownay in aan aragno dhibco cadcad, taasina waxay ahayd arrin aad noo farxad gelisay," ayuu yiri King.

Markii natiijooyinka lala wadaagay kooxda inteeda kale, "qolka si kedis ah ayuu sacab ugu qarxay," ayuu xusuustay Brian Hie.

Horumarinta noocyadaas cusub waxay horseedi kartaa habab cusub oo lagu daweeyo caabuqyada noqday kuwo u adkaysta antibiyootigyada.

Bakteeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hase yeeshee, guushan cilmiyeed waxay sidoo kale muujinaysaa awoodda AI ay u leedahay inay naqshadeyso nooleyaal cusub oo ka baxsan kuwa dabiiciga ah, arrintaas oo loo yaqaan bayoolaji macmal ah.

Brian Hie ayaa ku doodaya in tani ay leedahay awood ay si weyn ugu hagaajin karto caafimaadka dadka, iyadoo la horumarinayo dawooyin iyo daaweynno cusub.

Laakiin waxaa hore loo muujiyay walaac ah in tiknoolajiyadan tan oo kale ahi si xun loogu adeegsan karo samaynta cudurro cusub.

Kubaradu waxay sheegeen in aanay mar dambe ahayn su'aal ah "in naqshadeynta hidde-sideyaasha fayrasyada iyadoo la adeegsanayo AI ay jiri doonto iyo in kale", balse ay tahay in la ogaado in loo adeegsan karo iyada oo aan "la suuragelin waxyeello halis ah".

Tusaale ahaan, waxay sheegeen in fayrasyada cusub ee yeelan kara awood ay cudur ku keenaan "aan la horumarin karin".

Cilmi-baarayaashu laftoodu waxay qaadeen tallaabooyin lagu xoojinayo badbaadada. Waxay ka saareen keydka xogta fayrasyada awoodda u leh inay ku dhacaan noolaha adag, waxayna cilmi-baarista ku saleeyeen nidaam aan ahayn fayrasyada dadka ku dhaca, dhammaan shaqaduna waxay ka dhacday shaybaar ammaan ah.

Fayrasyadu ma aha nooleyaal nool, waxaana loo baahan yahay horumar kale oo weyn si AI ay u soo saarto nooleyaal dhab ahaan nool.

Koodhka hidde-side ee phage-ku wuxuu ka kooban yahay qiyaastii 5,400 lammaane xarfo ah. Hidde-sideyaasha ugu yar ee unug nool ayaa gaaraya ku dhowaad 500,000 lammaane, halka hidde-sideyaasha bini'aadamka ay gaaraan saddex bilyan oo lammaane xuruuf ah.

Brian Hie ayaa sheegay in isku dayga lagu samaynayo nooleyaal aad u fudud "ay u badan tahay in uu u baahan doono shaqo badan, balse aanu ahayn wax aan suurtagal ahayn", wuxuuna sheegay in ay "si dhab ah u danaynayaan in ay u jihaystaan arrintaas".

Borofisar Marc Güell oo ka tirsan shaybaarka bayoolajiga macmalka ah ee Jaamacadda Pompeu Fabra ee Spain ayaa daraasaddan ku tilmaamay "isbeddel aad u weyn oo muhiim ah", maaddaama "markii ugu horreysay taariikhda aan bilaabayno in aan bayoolajiga ku naqshadeyno kombuyuutar".

Wuxuu sheegay in ay tani "nagu dhiirrigelinayso in aan ku riyoonno fursado xiiso leh oo lagu wajihi karo caqabadaha ugu waaweyn ee aadanaha", sida horumarinta phage-yo lagula dagaallamo cudurrada, enzymes lagu daweeyo cudurrada hidde-sideyaasha, iyo antibodies loo adeegsan karo daaweynta difaaca jirka.

Cilmibaadhis

Xigashada Sawirka, Stanford University