Abdel Sayed oo laga yaabo inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka tirsan Senate-ka Mareykanka

Qoraalka Muuqaalka, "Ololahan waxaan u dhisnay qaab tallaabo-tallaabo ah" – Abdul El-Sayed oo hadlay ka dib markii uu ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee Senate-ka Michigan
    • Author, Anthony Zurcher
    • Role, Weriyaha Waqooyiga Ameerika
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Saameynta guushii Abdul El-Sayed ee doorashada hordhaca ah ee Aqalka Senate-ka ee gobolka Michigan ayaa la dareemay meel ka fog gobolkaas, gaar ahaan hoggaanka Xisbiga Dimuqraadiga.

Sanadkan oo ay muuqato in Xisbiga Jamhuuriga uu wajahayo caqabado waaweyn oo doorasho, codbixiyeyaasha doorashada hordhaca ah ee Dimuqraadiga ayaa doortay musharrax garabka bidix ee isbeddel-doonka ah. Tani waxay sare u qaadday muhiimadda doorashada Senate-ka ee bisha Nofeembar, taas oo go'aamin karta cidda gacanta ku hayn doonta Aqalka Sare ee Kongareeska.

Su'aasha taagan ayaa ah in habka uu Abdul El-Sayed u kiciyay taageerayaasha xisbiga isla markaana uga faa'iideystay carooyinka ay qabaan uu sidoo kale soo jiidan doono codbixiyeyaasha doorashada guud. Waxa kale oo la isweydiinayaa in musharrax si cad uga tirsan garabka bidix uu ku guuleysan karo gobol si adag loogu tartamo sida Michigan.

Hoggaanka xisbiga, oo taageerayay musharraxii la tartamayay El-Sayed, wuxuu rajeynayaa in jawaabtu ay noqoto haa.

Natiijooyinka doorashooyinka hordhaca ah ee laga qabtay shan gobol Talaadadii waxay bixiyeen sawir kooban oo muujinaya dareenka codbixiyeyaasha Mareykanka, iyadoo ay saddex bilood ka harsan yihiin doorashooyinka dhexe ee Kongareeska.

Halkan waxaa ku xusan afar qodob oo muhiim ah oo laga fahmi karo natiijooyinkaas.

1) Halgamaa cusub oo ka tirsan garabka bidix

Abdul El-Sayed

Xigashada Sawirka, Getty Images

Guushii Abdul El-Sayed ee habeenkii Talaadada ka soo hoyatay doorashada hordhaca ah ee muranka badan dhalisay ee Xisbiga Dimuqraadiga ee kursiga Senate-ka ee gobolka Michigan ma ahayn wax si weyn loola yaabay. Muddo toddobaadyo ah ayuu si raaxo leh ugu hoggaaminayay xildhibaannad Haley Stevens sahannada ra'yiga.

Inkasta oo natiijadii ugu dambeysay ay noqotay mid aad uga dhow sidii sahannadu hore u muujiyeen—taas oo mar kale dhalisay su'aalo ku saabsan saxnaanta sahannada casriga ah—arrintaasi ma yareyn saameynta weyn ee guusha uu gaaray El-Sayed, oo ahaa madaxii hore ee caafimaadka ee gobolka Michigan, ku yeelatay gudaha Xisbiga Dimuqraadiga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

El-Sayed, oo ah wiilka ay dhaleen waalidiin ka soo haajiray Masar, wuxuu ku ololeeyay barnaamij siyaasadeed oo ka tirsan garabka bidix. Wuxuuna taageero ka helay siyaasiyiin caan ah oo garabkaas ka tirsan, sida Senatorrada Bernie Sanders iyo Elizabeth Warren, iyo xildhibaanadda Alexandria Ocasio-Cortez.

Doodihii musharraxiinta iyo ololihii doorashada, El-Sayed wuxuu isu muujiyay inuu yahay musharraxa hadalka iyo doodda ku wanaagsan. Taageerayaasha Xisbiga Dimuqraadiguna waxay muujiyeen inay u furan yihiin siyaasadihiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Caymis caafimaad oo ay dowladdu maalgeliso.

Dadaallo lagu dhimayo qiimaha daawooyinka.

In canshuurta lagu kordhiyo dadka aadka u hodanka ah.

Dib-u-habayn lagu sameeyo maalgelinta ololayaasha doorashada.

Halku-dhegga ugu weyn ee ololihiisa, "Lacagta siyaasadda ha laga saaro, lacagta jeebkiinnana ha la geliyo," ayaa noqday farriin ay si weyn u adeegsadeen musharraxiinta garabka bidix ee doorashooyinkan.

Mareykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaal dhalinyaro ah oo ku sugan magaalada Detroit ayaa sita boorar ay ku muujinayaan taageeradooda Abdul El-Sayed

Natiijadani waxay dejisay tartan doorasho oo guud oo dhex mari doona Abdul El-Sayed iyo Mike Rogers, oo ah xildhibaan hore oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo aan cidina kula tartamin doorashada hordhaca ah.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay noqon karto imtixaankii ugu weynaa ee lagu ogaan lahaa in musharrax si cad uga tirsan garabka bidix uu ku guuleysan karo doorasho guud oo ka dhacda gobol si adag loogu tartamo sida Michigan.

Maadaama El-Sayed uu si ciriiri ah ugu guuleystay doorashada hordhaca ah, waxaa horyaal shaqo badan haddii uu doonayo inuu mideeyo Xisbiga Dimuqraadiga ka hor codbixinta bisha Nofeembar.

Inkasta oo uu taageero xooggan ka helay codbixiyeyaasha waxbarashada sare leh ee garabka bidix, haddana wuxuu u baahan doonaa inuu kasbado codadka dadka dakhligoodu hooseeyo ee taageeray Haley Stevens, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Detroit iyo deegaannada miyiga ah. Kuwani waa codbixiyeyaal ay u muuqato in sahannadii doorashada ka hor aysan si sax ah u muujin rabitaankooda.

Haddii El-Sayed looga adkaado Mike Rogers, waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa rajada Xisbiga Dimuqraadiga ee ah inuu dib ula wareego gacan-ku-haynta Aqalka Senate-ka ee Mareykanka, maadaama musharrax Jamhuuri ahi uusan ku guuleysan kursiga Senate-ka ee Michigan tan iyo 1994.

Haddii uu guuleysto, se, waxay noqon kartaa caddeyn muhiim ah oo ay garabka bidix ee Dimuqraadigu ku doodi karaan in musharrax bidix u janjeera uu si ka wanaagsan ugu guuleysan karo doorashada madaxtinnimada ee 2028 marka loo eego musharraxiinta dhexdhexaadka ah ee xisbigu soo magacaabay doorashooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale, maaddaama gobolka Michigan uu yahay mid ka mid ah gobollada ugu horreeya ee muhiimka ah ee jadwalka doorashooyinka hordhaca ah ee madaxtinnimada Xisbiga Dimuqraadiga, gobolkaasi wuxuu yeelan doonaa saameyn weyn oo ku saabsan cidda noqon doonta musharraxa xisbiga ee doorashada madaxtinnimada.

2) Qaar ka mid ah Dimuqraadiyiinta taageera Israa'iil waxay la kulmeen habeen adag

Haley Stevens waxay ahayd musharraxii ugu caansanaa ee ay taageerto AIPAC (Guddiga Arrimaha Dadweynaha ee Israa'iil iyo Mareykanka) ee laga adkaado doorashooyinkii Talaadada.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyin kale oo aan si weyn isha loogu hayn, natiijooyinku waxay ahaayeen kuwo isugu jiray guulo iyo guuldarrooyin.

Meel kale oo ka tirsan gobolka Michigan, Donavan McKinney, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Hantiwadaagga, ayaa ka adkaaday xildhibaanka xilka hayay Shri Thanedar, kaas oo si cad u taageeri jiray sii wadidda taageerada Mareykanka ee Israa'iil.

Thanedar wuxuu sidaas ku noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee Xisbiga Dimuqraadiga ee xilka hayay oo looga adkaado doorashada hordhaca ah ee lagu soo xulayo musharraxiinta xisbiga.

Donavan McKinney

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, McKinney IYO El-Sayed

3) Codbixiyeyaasha Midwest-ka ayaa diiday tallaabooyin ay soo jeediyeen Jamhuuriyaddu

In kasta oo inta badan doorashooyinkii Talaadada ay ahaayeen tartamo gudaha xisbiyada ah (doorashooyin hordhac ah oo musharraxiinta lagu soo xulayo), haddana waxaa jiray dhowr cod-bixinood oo muhiim ah oo laga yaabo inay muujinayaan in jihada guud ee dareenka codbixiyeyaasha ay weli u sii janjeerto dhinaca Dimuqraadiyiinta.

Missouri, codbixiyeyaashu si weyn ayay u diideen hindise codbixin ah oo adkeyn lahaa in wax-ka-beddellada dastuurka gobolka ee ay shacabka soo jeediyaan la ansixiyo.

Sanadihii u dambeeyay, dadaallada noocan ah ee ay shacabka hormuudka ka yihiin ayaa loo adeegsaday in lagu meel mariyo hindisayaal ay taageeraan Dimuqraadiyiintu, kuwaas oo aan fursad badan u lahayn inay ka gudbaan sharci-dejinta gobolka oo ay gacanta ku hayaan Jamhuuriyaddu. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah ilaalinta xuquuqda ilmo iska soo rididda iyo kordhinta mushaharka ugu yar.

Dhanka kale, Kansas, codbixiyeyaashu waxay diideen hindise codbixin ah oo ku talinayay in garsoorayaasha maxkamadda sare ee gobolka ay noqdaan kuwo doorasho dadweyne u tartama. Waqtigan xaadirka ah, garsoorayaasha waxaa magacaaba guddoomiyaha gobolka iyo guddi ka kooban qareenno.

Sannadkii 2024, maxkamadda sare ee gobolka Kansas waxay go'aamisay in xuquuqda ilmo iska soo rididda ay ilaalinayso dastuurka gobolka. Go'aankaas ayay Jamhuuriyaddu ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn rabitaanka codbixiyeyaasha gobolka.

Labada hindiseba waxaa taageerayay Jamhuuriyiinta gobolka, hase yeeshee labada xaaladoodba, soo jeedinnadii si fudud ayaa looga adkaaday.

4) Taageerada Trump weli (inta badan) waxay leedahay saameyn

Waxay ahayd habeen inta badan wanaagsan oo u dhacay Jamhuuriyiinta uu Trump taageeray, kuwaas oo dhowr guulood ka gaaray doorashooyinkii hordhaca ahaa.

John James ayaa ku guuleystay magacaabista Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada guddoomiyaha gobolka Michigan, inkasta oo musharraxa kale ee taajirka ahaa uu si weyn uga kharash badnaa ololihiisa. Trump ma ahayn oo keliya inuu taageeray James, balse toddobaadkii hore ayuu masraxa kula soo muuqday.

Kansas, Jamhuuriyaddu waxay doorteen musharraxa uu Trump doorbiday ee guddoomiyaha gobolka, iyadoo ay jireen musharraxiin badan oo tartamayay. Sidoo kale, tartankii gobolka Washington ee lagu beddelayay xildhibaankii Jamhuuriga ahaa ee xilka ka degayay Dan Newhouse, musharraxii uu madaxweynuhu taageeray, Amanda McKinney, ayaa kaalinta koowaad gashay.

Newhouse, oo 71 jir ah isla markaana hawlgab noqonaya, wuxuu caan ku ahaa inuu ahaa mid ka mid ah labadii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee Jamhuuriga ee u codeeyay in Trump xilka laga qaado kaddib rabshadihii ka dhacay Xarunta Kongareeska Mareykanka 6-dii Janaayo 2021.

Maaddaama degmadu tahay mid si joogto ah ugu janjeerta muxaafidka, McKinney waxaa loo arkaa inay fursad weyn u leedahay inay ka adkaato musharraxa Dimuqraadiga bisha Nofeembar. Taasi waxay u badan tahay inay Aqalka Wakiillada Jamhuuriga u sii riixdo dhanka midigta siyaasadda. Waxayna noqoneysaa caddayn kale oo muujinaysa in Jamhuuriyiinta dhaqanka ah ee xisbiga hoggaamin jiray, sida Newhouse, ay sii yaraanayaan.

Laakiin Trump ma uusan helin guul kasta oo uu rabay.

Michigan, Thomas Smith ayaa ka adkaaday Amir Hassan, oo ahaa musharrax uu Trump taageeray, isla markaana hore uga soo shaqeeyay laanta fulinta sharciga kana soo muuqday masraxa Trump. Tani waxay dhacday inkasta oo Smith uu bishii hore ka baxay tartanka, laakiin magaciisa uu weli ku jiray warqadda codbixinta.