Sida loo ogaado in urka jirkaaga ay dhibsanayaan dadka kale

Qof sanka heysta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qof sanka heysta
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Mararka qaar sankaagu wuxuu la qabsadaa shiirka jirkaaga, sidaa darteed ma dareemaysid xitaa haddii uu urayo. Laakiin waxaa jira calaamado iyo habab fudud oo aad ku ogaan karto in urta jirkaagu ay dadka kale dhibayso."

Mararka qaar qof walba jirkiisa wuu shiiraa, taas oo dhacda marka bakteeriyadu ku tarmanto dhididka ka yimaada qanjirrada apocrine.

Urta ama shiirka jirka waa arrin si fiican loo yaqaan oo saamaysa tayada nolosha qofka. Waxayna khubaradu sheegeen in tani ay sabab u tahay heerar kala duwan oo ay bakteeriyada dhididka ku fidayso, balse aanay sabab u ahayn dhididka laftiisa.

Waxaa jira siyaabo looga gudbo arrintan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin. Mid ka mid ah ayaa ah inaad farahaaga oo nadiif ah ku xoqdo madaxa ama kilkilaha, kadibna si fiican u ursato.

Shiirka jirka

Urta jirku way is beddeli kartaa waxaana saameeya hormoonnada, cuntada aad cunto, caabuqyada, daawooyinka ama cudurrada jirka ku jira sida macaanka. Daawooyinka xooggan ee dhididka joojiya iyo dawooyin kale ayaa wax ka tari kara.

Waa maxay urka jirka?

Urka jirka waa urka ka dhasha marka dhididku ku qasmo bakteeriyada maqaarka ku jirta. Dhididku keligiis ur malaha, laakiin marka uu bakteeriyada ku darsamo ayuu ur sababaa.

Urta jirku waxay sameysmataa marka bakteeriyadu ay habab kala duwan soo marto si ay u xakamayso una qaybiso borotiinka dhididka, halkaas oo ay cunto ka hesho - taasina waxay keentaa in ur sameysmo.

Dhididka laftiisu maaha sababta urta, laakiin bakteeriyada ku dhexnool nool qoyaanka ayaa sababta. Jirka Bini'aadamka ayaa sonkorta u beddela asiidhyo keena urka.

Taasi waa sababta aan ugu malaynayo inta badan dadka dhididka badani ay u nugul yihiin urta jirka. Qanjirrada apocrine ayaa ugu badan ee sababa urta jirka.

Waxaa jira meelo badan oo jirka bini'aadamka uusan hawo badan neefsanin, gaar ahaan kuwa xasaasiga ah, halkaas oo dhididku ku sii jiro

Qanjirrada eccrine

Waxay dhididka si toos ah ugu soo saaraan dusha maqaarka. Marka uu dhididku qalalo, wuxuu ka caawiyaa xakamaynta heerkulka jirka. Qanjirradan ur ma soo saaraan.

Heerkulka jirka oo kordha jimicsi ama cimilo kulul awgeed, dhididka oo maqaarka ka uumi baxaya ayaa jirka qaboojiya. Qanjirrada eccrine waxay ku yaalaan inta badan jirka oo dhan, oo ay ku jiraan calaacasha gacmaha iyo cagaha hoostooda.

Qanjirrada apocrine

Waxay ka furmaan halka timaha ka baxaan. Meelaha timaha ka baxaan waa tuubooyin yaryar oo timaha ku haya maqaarka gudihiisa. Qanjirradan waxay badanaa ku yaalaan kilkilaha iyo xubnaha taranka.

Qanjirrada apocrine waxay soo saaraan dhidid ur yeelan kara marka uu bakteeriyada maqaarka ku darsamo. Waxay shaqo bilaabaan marka qofku qaangaaro, waana sababta carruurta yaryar aysan u shiirin.

Dhididku waa wax dabiici ah, hase yeeshee nooca cuntada, nadaafad-xumada iyo hiddaha ayaa shiirka u horseeda.

Haddii xaddiga dhididka ama urta jirkaagu isbeddelo, waxay muujin kartaa dhibaato caafimaad.

Yaa halis ugu jira shiirka jirka ee daran?

Hindhiso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hindhiso

Raggu ayaa aad ugu nugul shiirka sababtoo ah qanjirrada apocrine ee jirkooda aad bay u shaqeeyaan timo badanna way leeyihiin.

Qanjirrada apocrine waxay shaqada bilaabaan marka qofku qaangaaro, sidaa darteed urta jirku waxay soo baxdaa xilliga qaan-gaarnimada.

Maxaa sababa shiirka jirka?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inta badan urka jirka ayaa soo baxdo xilliga qaan-gaarnimada, halka hidde-sideyaasha iyo dhididku ay aad u soo shaac baxaan xilliga qaan-gaarnimada, iyadoo maadada hidde-sidaha aadanaha iyo kaydinta dhididka ay aad kor ugu qaadaan jidhka bini'aadamka.

Dadka buuran iyo shakhsiyaadka qaba dhibaatooyinka caafimaad qaarkood sida sonkorowga ayaa aad ugu dhow in jirkooda uu shiiro.

Urta jirku waxay timaaddaa marka bakteeriyada maqaarka ku jirta ay ku qasanto dhididka. Maqaarkeennu bakteeriya dabiici ah ayuu leeyahay. Marka aan dhididno, biyaha, milixda iyo dufanka ku jira dhididka ayaa bakteeriyadaas ku qasma, kadibna ur ayaa ka dhalata.

Urtaasi waxay noqon kartaa mid xun, mid fiican ama aan wax ur ah lahayn. Waxyaabo ay ka mid yihiin cuntada, isbeddelka hormoonnada iyo daawooyinka ayaa beddeli kara urta jirka.

Xaalad lagu magacaabo hyperhidrosis waxay sababtaa dhidid aad u badan. Dadka xaaladdan qaba waxay u badan tahay in jirkoodu shiiro, maadaama ay aad u dhididaan. Si kastaba ha ahaatee, badanaa waa qanjirrada eccrine kuwa sababa dhididka badan ee calaacasha iyo cagaha.

Mar kasta oo aad dhididdo, waxaa suuragal ah inaad shiirto. Dadka qaarkood waxay uga nugul yihiin urta daran marka la barbar dhigo kuwa kale.

Waxyaabaha kale ee saameeya urta jirka waxaa ka mid ah jimicsiga, walbahaarka ama welwelka, cimilada kulul, cayilka xad-dhaafka ah iyo hidda-sidaha.

Dhididkeygu muxuu u uraa?

Waxaa jira sababo badan oo dhididkaaga ka dhigi kara mid soo shiira. Tusaale ahaan, daawooyinka qaar, fiitamiinnada ama cuntooyinka qaarkood ayaa dhididka ur u yeeli kara.

Xusuusnow, dhididka laftiisu ma aha kan uraya; waa bakteeriyada maqaarka oo dhididka ku qasmaysa.

Cuduro iyo xaalado caafimaad oo dhowr ah ayaa lala xiriiriyaa isbeddelka urta caadiga ah ee jirka, waxaana ka mid ah sonkorowga, dhalma joojinta, qanjirka thyroid-ka oo aad u shaqeeya, cudurka beerka ku dhaca, cudurka kelyaha, iyo cudurrada faafa.

Haddii aad qabtid sonkorowga, isbeddelka urta jirka wuxuu noqon karaa calaamad kale oo muujinaysa arrintan.

Isbeddelka hormoonku ma sababi karaa shirka?

Haa. Marka hormoonku isbeddelo, urta jirku way isbeddeli kartaa. Jirka oo kululaada, habeenkii oo la dhidido iyo isbeddelka hormoonka ee dhaca xilliga dhalma joojinta ayaa sababa dhidid badan, taasoo urta jirka beddesha.

Dadka qaarkood waxay u haystaan in urta jirku isbeddesho marka uur la leeyahay ama xilliga caadada. Cilmi-baaristu waxay muujineysaa in urta jirku isbeddeli karto xilliga ugxan-sidaha haweenka, oo ah waqtiga ay haweeneydu uur yeelan karto.

Cuntooyinka qaarkood ma sababi karaan shiirka jirka?

Cuntooyinka keena in jirku shiiro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cuntooyinka keena in jirku shiiro

Waxaa kaloo ay sheegeysaa xogta in saddex meelood dadka waa weyn ee adduunka in ay ka soo baxdo hawo ureysa.

Marka aan cuno qaadano, jirkeena ayaa jajabiya, kiimikada halkaas ka timaada ayaa aada qeybaha jirka iyadoo raacda dhiigga. Kiimikooyinka waxay ka sii dhexbixi karaan maqaarka iyadoo ay la socoto bakteeriya taasna ayaana keenta urka. Macaanka ma lahan wax ur ah balse bakteeriyada ku korta ayaa keenta urka aan fiicneyn.

Cuntooyinka qaar ayaa keena ur badan. Waxaa la yaab leh in daraasadaha qaar ay sheegayaan in cuntooyinka caraftoodu ay adag tahay ay ka dhigaan qofka mid soo jiidasho leh.

Kabashka, barakooli iyo kuwa kale ayaa la sheegay in ay yihiin khudaar caafimaadka leh, balse waxaa ku jira sulfur oo keena ur sida ukun quruntay. Marka cuntooyinkan ay jirkaaga galaan, ayna xiriir la sameeyaan bakteeriyada maqaarka, waxay udgoonkii fiicnaa ka dhigeysaa mid uraya.

Cuntooyin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cuntooyin

Cuntooyinka sida toonta iyo basasha ayaa saameyn kara dhididka qofka iyo neeftiisa. Cuntooyinka qurubyo ayey u kala jajabaan kuwaas oo jirka uu soo daayo waqtiyo kala duwan. Tusaale ahaan, urka toonta waxa uu bilowdaa 30 daqiiqo kaddib marka aad cunto

Si kasta ha ahaatee, daraasadaha ayaa muujinaya in toonta ay ka dhigto dhididka kilkilaha ka yimaada mid soo jiidasho leh. Daraasad lagu sameeyay 42 nin oo tuun badan cuna ayaa lagu sheegay in ay soojiidasho leeyihiin maxaa yeelay tuunta waxay leedahay faa'idooyin caafimaad.

Waxaa jira khudaar kale oo jirkeena saameyn ku yeelata. Abarkuus khudaarta loo yaqaan ayaa la sheegay in uu sii daayo sulfur marka la cuno. Kiimikooyinkan ayaa mas'uul ka ah urka xooggan ee dhididka iyo kaadida. Kaadida urkeeda waxay sii joogeysaa ilaa 5 saacadood. In la cuno khudaar badan waxay keeneysaa in jirkaaga carfo. Daraasad laga sameeyay dalka Australia ayaa lagu ogaaday ragga cuna khudaarta badan in jirkoodu uu sii daayo dhidid carfaya.

Sidoo loo xakameyn karaa ama looga hortagi karaa urta jirka?

"Dadku waxay inta badan dareemaan ur ka soo baxa qaybo ka mid ah jidhkooda oo ay ku daboolan yihiin dhar - taas oo kordhisa qoyaanka iyo dhididka dharka ee keena faafidda bakteeriyada," ayuu yiri Dr Abubakar.

Waxaana uu sheegay in aanu shaki ku jirin, in tani ay tahay sababta ugu badan ee urta jirka keenta.

"Si taas looga hortago, waxaa loo baahan yahay daryeel gaar ah oo lagu sameeyo meelahan oo kale marka laa meeyro si loo hubiyo in ay aad u engegan yihiin ka hor inta aan la xidhin dhar nadiif ah," ayuu yiri.

Inkasta oo aanay khubaradu cayimin daawaynta ama ka-hortagga gaarka ah ee urta guud ee jidhka, waxay ku talinayaan qaar ka mid ah tallaabooyinka la qaadi karo si loo yareeyo ama loo baabi'iyo urta jirka sida soo socota.

- Qubaysiga: waa in qofku mar kasta uu qubystaa biyo nadiif ah iyo saabuun udgoon, waana in la hubiyo in jidhkiisu nadiif yahay. Qubaysiga laba ama saddex jeer maalintii waa habka ugu waxtarka badan - oo xoogga la saaro.

- Dhar nadiifka ah: marka laga soo tago qubayska iyo nadaafadda shakhsi ahaaneed, sidoo kale waxaa aad muhiim u ah in uu qofka xirto dhar nadiif ah.

- Timaha oo xiiro: Haddii timaha lagaga tago meelaha ay timaha ka soo baxaan waxa ay ka hortagtaa dhididka degdega ah, taas oo iyaduna keenta in bakteeriyadu soo dayso ur udgoon. Markaa xiiridu waxay kaa caawinaysaa inay yarayso urta meesha. Waxaa loo isticmaali karaa sidii mandiil, ama sida xiirashada, taas oo laga heli karo dukaamada yaryar iyo kuwa waaweyn.

- Isticmaalka joogtada ah ee cadarka jidhka: aad bay muhiim u tahay in badsato isticmaalka cadarka jidhka.