Muuqaal daawashada aan dhammaadka lahayn ma saameeyaa xusuusta iyo feejignaanta dhallinyarada?

dhallinyaro

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa laga yaabaa inaad taleefankaaga u furto si aad u daawato hal muuqaal oo gaaban ka hor inta aadan seexan ama inta lagu jiro nasasho kooban. Daqiiqadaha ugu horreeya ayaa ku dhaafaya adigoo isku xigsiinaya muuqaallo badan oo u muuqda kuwo aan dhammaad lahayn, ugu dambeyntiina markaad shaashadda ka qaaddo indhahaaga, waxaad ogaanaysaa inay saacado badan ku dhaafeen adigoon dareemin.

Caadadan maalinlaha ah ayaa qayb ka noqotay sida dad badan ay u isticmaalaan muuqaallada gaagaaban ee aaladaha sida TikTok, Instagram Reels, YouTube Shorts iyo Facebook.

Su'aashu ma aha oo kaliya inta saacadood ee dhallinyaradu ku qaataan hortaagnaanta shaashadaha, balse waa in la eego haddii xawaaraha ay uga gudbayaan hal muuqaal oo gaaban una gudbayaan mid kale, iyo qaabka loo habeeyey aaladahani, ay saameyn ku yeelan karaan awooddooda ku aaddan diiradda saarista, feejignaanta iyo xifdinta macluumaadka.

Maxaa dhaca marka muuqaaladu kala joogsan waayaan?

taleefan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dib u eegis cilmiyeed oo dhawaan lagu sameeyay 42 daraasadood, oo ay ku lug lahaayeen qiyaastii 46,900 ka qaybgalayaal ah oo da'doodu celcelis ahaan tahay 16.8 sano, oo ay daabacday Springer Nature bishii Juun, cinwaankeeduna yahay "Ma la xakamayn karaa daalacashada aan dhammaadka lahayn?" - waxay si joogto ah u ogaadeen xiriirro soo noqnoqda oo u dhexeeya isticmaalka xooggan ee fiidiyowyada gaagaaban (badanaa dhowr saacadood maalintii) iyo arimahaan soo socda:

  • Koror yar ilaa heer dhexdhexaad ah oo ku yimaada hoos u dhaca feejignaanta.
  • Hoos u dhac dhexdhexaad ah oo ku yimaada awoodda xusuusta shaqada iyo awoodda is-xakamaynta.
  • Heerarka sare celcelis ahaan oo ah walwal, niyad-jab, iyo walbahaar.
  • Koror dhexdhexaad ah oo ku yimaada calaamadaha qabatinka muujiya.

Si kastaba ha ahaatee, dib u eegistu ma sheeganayso in natiijooyinkani ay muujinayaan in qaybaha gaagaaban ay sababaan khalkhalka xusuusta ama feejignaanta oo gaabis ku yimaado. Sababtuna waa inta badan daraasadaha la falanqeeyay waxay ahaayeen kuwo isdhaafsan (oo la sameeyay muddo cayiman), wali waxaa loo baahan yahay daraasado adag oo dheer si loo go'aamiyo nooca xiriirka.

Xawaare iyo daawasho aan dhammaad lahayn

Bara bulsho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Daraasadaha la sameeyay ayaa tilmaamaya in adeegsiga maqal iyo muuqaalka xad-dhaafka ah ee sanadaha hore ee nolosha ay qaabayn karaan dhaqanka iyo qaab-dhismeedka maskaxda. Natiijooyinkani waxay xaqiijinayaan suurtagalnimada saameynta bayoolojiyeed inta lagu jiro laba marxaladood oo horumarineed oo muhiim ah: carruurnimada iyo qaangaarnimada.

Cilmi-baarayaasha daraasadda ku jira ayaa sidoo kale diiradda saaray saddex qodob oo ay isticmaalaan naqshadeeyayaasha baraha bulshada, si ay wax u kala ogaadaan.

  • Algorithm-ka u doora daawadaha waxyaabaha uu daawanayo.
  • Muuqaalka iska socda ee aan loo yeelin calaamadihii muujinayay in ay wax dhamaadeen ee dabiiciga ahaa.
  • Xawaaraha uu isticmaaluhu uga gudbayo muuqaal una gudbayo mid kale.

Algorithms-ku waxay qofka u dooraan muqaalo is xigxiga, taasoo suurtogal ah inay kor u qaaddo waqtiga uu qofka si aan ku talo gal ahayn u dhuminayo.

Ma tahay inay waalidku walwalaan?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Caddaymaha hadda jira si cad uma caddaynayaan in daawashada dheer ee fiidiyowyada gaaban ay keento dhaawac maskaxeed ama khalkhal xusuusta oo joogto ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay muujineysaa sawir muhiim ah: isticmaalka badan wuxuu la xiriiraa dhibaatooyin garasho iyo shucuureed oo kala duwan, inkastoo ay arrintu wali u baahan tahay baaritaan adag.

Bare sare Van Bavel wuxuu aaminsan yahay in natiijooyinkani ay muujinayaan arrin khatar ah oo ay tahay in waalidiintu si dhab ah u qaataan, gaar ahaan marka isticmaalku isu beddelo daalacasho aan dhammaad lahayn saacado badan.

Taas beddelkeeda, dib u eegistu waxay tilmaamaysaa arrimo gacan ka geysan kara yaraynta khataraha, sida lahaanshaha jawi taageero leh, nidaam dijitaal ah oo qaabaysan, iyo haysashada heer wacyigelin iyo dhaqan dijitaal ah.

Ugu dambeyntii, malaha su'aasha ugu muhiimsan ma aha in muuqaallada gaaban ay xun yihiin naftooda, laakiin sida loo isticmaalo, inta jeer ee ay isticmaalaan dhallinyarada, waqtiga ay isticmaalaan, waxa beddelaya, iyo in naqshadoodu ay ku qasbeyso isticmaalaha inuu sii wado iyada oo aan lahayn meel cad oo la joojiyo.

Su'aasha weyni waa: Daawashada degdegga ah lafteedu ma beddeshaa sida feejignaanta iyo xusuusta u shaqeeyaan? Jawaabtu wali waa la baarayaa.