Sacuudiga oo war kasoo saaray Ciidda Carafo

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa shalay Axaddii ku dhawaaqday in Isniinta maanta ah, oo taariikhdu tahay May 18, 2026, ay noqon doonto billowga bisha Dul-Xijjah.

Sida lagu sheegay war ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), maxkamaddu waxay sheegtay in xujeyda gudanaya Xajka ay istaagi doonaan Carafo Talaadada, May 26, oo ku beegan 9-ka Dul-Xijjah, halka Ciidul-Adxaa ay bilaaban doonto maalinta xigta oo ah Arbacada, May 27.

Maalinta Carafo waxaa loo arkaa tan ugu muhiimsan ee Xajka sanadlaha ah, iyadoo malaayiin Muslimiin ah ay ku kulmaan Buurta Carafo oo u dhow magaalada barakeysan ee Maka si ay u tukadaan ugana fikiraan.

Ciidul-Adxaa, oo ka mid ah ciidaha ugu muhiimsan Islaamka, waxay xusaysaa diyaar garowgii Nabi Ibraahim ee uu u hurayay wiilkiisa isagoo u hoggaansamaya amarka Ilaahay, ka hor inta uusan Ilaahay u bixin wan uu ku beddelo, sida ku cad dhaqanka Islaamka.

Ciidda waxaa lagu asteeyaa salaado jamaaco ah, kulamo qoys, iyo gawraca xoolaha, iyadoo hilibka si dhaqameed loogu qaybiyo qaraabada, asxaabta, iyo dadka baahan.

Ku dhawaaqistan waxay timid iyadoo Sacuudigu sii wadaayo diyaar garowga xillig xajka 2026, iyadoo mas'uuliyiintu hirgelinayaan qorshayaal hawleed oo ballaaran si loo maareeyo ciriiriga loona fududeeyo dhaqdhaqaaqa xujeyda ka imanaysa daafaha caalamka.

Maxaa sanadkan ka cusub xajka?

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maamulka Sucuudiga ayaa hirgeliyay xaddidaad da'da ah oo adag oo lagu soo rogay xujayda Xajka, iyaga oo ka mamnuucay carruurta ka yar 15 sano inay ka qayb‑galaan xajka sannadlaha ah, laga bilaabo xilliga Xajka 2025 isla markaana sii soconaya ilaa Xajka 2026.

Mas'uuliyiintu waxay xaqiijiyeen in fiisooyinkii la siiyay codsadayaal da'doodu ka yar tahay xadka la joojiyay, iyadoo shirkadaha diyaaradaha lagu amray inay ka hor istaagaan raacitaanka diyaaradaha xujayda ka yar da'da la cayimay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoysaska ay saameysay tallaabadan ayaa heli doona lacag celin buuxda oo ku saabsan codsiyadii la laalay.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in go'aankan loo qaatay sidii loo hubin lahaa ammaanka iyo maareynta tirada dadka inta lagu guda jiro xajka, kaas oo ay ka soo qaybgalaan malaayiin cibaadaysanaya oo ka kala yimaada daafaha dunida.

"Carruurta ka yar 15 sano waxaa loo arkaa kuwo aad u nugul oo aan u adkeysan karin culayska jireed iyo khataraha ku xeeran xajka," ayay wasaaraddu tiri, iyada oo xustay walaacyada la xiriira daal, fuuqbax iyo shilal ka dhaca goobaha aadka la isugu ciriiriyo.

Inkastoo hadda da'da ugu yar loo dejiyay 15 sano, ma jiro xad da' oo ugu sarreeya oo xujayda ah. Si kastaba ha ahaatee, dadka ka yar 18 sano waa inay la safraan wakiil ama mas'uul daryeela.

Xaddidaaddan ma khusayso Cumrada, taas oo weli u oggolaanaysa carruurta yaryar inay ka qaybgalaan, inkastoo xadeyn xilliyeedyo la saari karo marka ay jiraan waqtiyo gaar ah oo ciriiri uu jiro.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo nidaamka iyo badbaadada xajka, kaas oo weli ka mid ah kulannada ugu waaweyn ee sanadle ah ee dadku ku kulmaan caalamka.