Jaamacadda bilowday barashada sirdoonimada ee ku dhex taalla guryaha duqa ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bare-sare Zawie Kerteh ayaa qirtay in aanu garanayn magacyada dhabta ah ee qaar badan oo ka mid ah ardaydiisa.
Xaaladdan ayaa ah mid aan caadi ahayn marka la eego dunida tacliinta, laakiin shaqadiisa macnaheedu maaha in ay tahay mid caadi ah.
Wuxuu tababaraa basaasiinta Faransiiska.
"Waa naadir in aan ogaado taariikhda basaasiinta ee loo soo diray koorsadan, waxaana shaki ka qabaa in magacyada la ii sheegay ay xitaa dhab yihiin," ayuu yiri.
Haddii aad rabto inaad abuurto goob loogu talagalay dugsi basaasnimo, xerada Sciences Po Saint-Germain ee ku taal duleedka Paris waxay noqonaysaa doorasho wanaagsan.
Dhismayaal qaraab ah oo la dhisay qarnigii 20aad ma horraantii qarnigii 20aad ayaa ku dhexyaalla wadooyin cidlo ah oo tirabadan kuwaa ka dambeeya ganjeelo waaweyn oo bir ah, waa meel cabsi leh iyo qarsoodi.
Waxaa goonida ka dhigay goobtaan ayaa ah shahaado cajiib ah oo ay siiso ardey ku jirta sano labaatanaad oo la shaqeynaya sirdoonka Faransiiska.
Magaca koorsadan waa "Dibloomada Sirdoonka iyo qataraha dunida."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Koorsadan waxaa naqshadeysay jaamacada iyadoo kaashanaysa Akadeemiyada sirdoonka oo ah machad lagu tababaro saraakiisha sirdoonka Faransiiska.
Qorshahan ayaa ka dhashay codsi uga yimid mas'uuliyiinta Faransiiska toban sano ka hor. Kadib weeraradii 2015-kii ka dhacay magaalada Paris, dowladda Faransiiska ayaa bilowday olole weyn oo ay ku askareyneyso saraakiil sirdoon.
Dawladda Faransiisku waxay waydiisatay Sciences Po, oo ah mid ka mid ah jaamacadaha ugu caansan dalka, inay naqshadayso koorso cusub oo labadaba tababari doonta basaasiinta mustaqbalka iyo bixinta tababar dheeraad ah oo siiso wakiilada hadda howlgala.
Shirkadaha waaweyn ee Faransiiska ayaa sidoo kale si degdeg ah u xiiseynaya barnaamijka, si ay u qoraan ciidamadooda amniga inta lagu jiro koorsada iyo inay qortaan dhalinyaradooda qalin jabisay.
Shahaadadu waxay ka kooban tahay 120 saacadood oo xiisado ah, oo lagu bixiyo muddo afar bilood ah. Ardayda ajnabiga ah, sida basaasiinta iyo dadka ay soo bandhigaan shirkaduhu, waxay ku kacaysaa ilaa shan kun oo Yuuro.
Ujeedada ugu weyn ee koorsadan waa in la ogaado khataraha meel kasta iyo sida loola socdo loogana hortagayo. Mawduucyada muhiimka ah waxaa ka mid ah dembiyada abaabulan iyo dhaqaalaha, jihaadka Islaamka, ururinta sirta ganacsiga, iyo rabshadaha siyaasadeed.
Waxay ahayd in la ii ogolaado nidaamka amniga Faransiiska si aan u galo mid ka mid ah fasallada oo aan la hadlo ardayda. Mawduuca fasalka aan ka qayb galay waxa uu ahaa "Macluumaadka iyo Ku-tiirsanaanta Tignoolajiyada."

Mid ka mid ah ardayda aan la hadlay waa nin da'da afartameeyada ah oo isku sheegaya Roger. Si sax ah, Ingiriisi kooban wuxuu igu sheegay in uu yahay maalgashade bangi. Kadib wuxuu ku daray, "Waxaan kala taliyaa Galbeedka Afrika oo dhan, waxaanan u qaadanayaa koorsadan si aan u sameeyo qiimeynta khatarta ah macaamiishayda."
Professor Cartier, oo wax ka dhiga xag-jirnimada siyaasadda, ayaa sheegay in nidaamka sirdoonka Faransiiska uu aad u ballaartay sannadihii u dambeeyay. Wuxuu sheegay in hadda ay jiraan ku dhawaad 20,000 oo sarkaal oo ka shaqeeya waxa uu ugu yeeray " gudaha."
Qalinjabiyeyaashii ugu dambeeyay waxa shaqaaleysiiyay shirkada taleefannada Frange Orange, aerospace iyo giant defence Thales, iyo LVMH, oo ah shirkadda ee iska leh Louis Vuitton iyo Dior.
Waxaa fasalka sanadkan ku jira siddeed iyo labaatan arday. Lix ka mid ah waa basaasiin. Waad kala fahmi kartaa sababtoo ah xilliyada nasashada ee fasalka, waxay ka fogaadaan ardayda yaryar aadna uma farxsanayn markaan u dhawaaday.
Iyagoon muujinin doorkooda saxda ah, mid iyaga ka mid ah, oo gacmihiisa laabta ku haya, ayaa sheegay in koorsadani ay tahay tallaabo degdeg ah oo anfaxaysa laga bilaabo xafiiska shaqada ilaa hawlaha banaanka. Mid kale ayaa sheegay in joogitaanka deegaankan aqooneed ay dhiirigelinayso. Waxay saxeexaan foomka imaanshaha maalinlaha ah iyagoo wata magacyadooda koowaad oo keliya.
Mid ka mid ah ardayda da'da yar, Alexander, oo 21 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayay inuu si qoto dheer u fahmo dagaalka dhaqaale ee soo socda ee u dhexeeya Yurub iyo Shiinaha. "Waxa ugu weyn waa in la falanqeeyo khatarta oo la helo hab wax looga qabto."
Ku dhawaad kala bar ardayda fasalka waa dumar, sida uu qabo mid ka mid ah macalimiinta, Sébastien-Yves Laurent, oo ah khabiir tignoolajiyada basaasnimada.
"Xiisaha dumarku u qabaan xog ururinta waa arrin cusub," ayuu yiri. "Way soo jiidatay sababtoo ah waxay u maleynayaan inay adduunka ka dhigi karaan meel wanaagsan."
Wuxuu intaas ku daray: "Haddii ay jirto hal sifo oo ay wadaagaan dhammaan ardaydan da'da yar, waa inay aad u jecel yihiin waddaniyadda, tanina waa farqi aasaasi ah oo ka duwan sidii labaatan sano ka hor ay ahaan jirtay."
Haddii aad xiisaynayso inaad iska diiwaangeliso koorsadan, waxaaa shardi inaad tahay muwaadin Faransiis ah, in kasta oo qaar ka mid ah dadka labada dhalasho haysta la aqbalayo.











