Maxaa sababay daadadkii ay dadka badan ku dhinteen ee Nepal, maxayse saynisyahanadu ka yiraahdeen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saynisyahannadu waxay sheegeen in barafka aadka u weyn ee fariista uu yahay sababta ugu weyn ee daadadka ba'an ee ka dhacay xuduudaha Nepal iyo Tibet.
Saynisyahannadu waxay BBC-da u sheegeen in baaritaannada bilowga ah ay muujiyeen in barafka soo jabay uu si degdeg ah u dhalaali lahaa.
Warbixinnadii hore waxay dad badan u horseedeen inay rumaystaan in dhulgariir uu sababay dhul go'. Si kastaba ha ahaatee, hay'adda Sahanka Juqraafiga ee Mareykanka (USGS) ayaa markii dambe caddeysay in masiibada ay sabab u ahayd "jabitaanka baraf weyn."
Sida laga soo xigtay xogta USGS iyo saynisyahannada falanqeeyay dhacdada, saameynta baraf weyn oo ku dhacay dooxada waxay la mid ahayd dhulgariir cabirkiisu yahay 5.2.
Dr. Simon Cook, oo ah khabiir ku takhasusay baraf-socodka (glaciers) kana tirsan Jaamacadda Dundee, ayaa u sheegay BBC-da in kooxdiisu ay ogaatay in qaybta hoose ee barafka weyn ay ka go'day meel u dhow buurta Langtang Lirung ee dalka Nepal, taas oo qiyaastii 15 kiiloomitir dhanka galbeed ka xigta goobta uu daadku ka dhacay.
Waxay ku qiyaaseen in barafku u jabay dhanka waqooyi galbeed, ka dibna uu webiga ugu soo dhacay dhanka galbeed.
Baraf iyo dhagxan ku soo dhacay webiga
ICIMOD waxay ogaatay in heerka wabiga ee meelaha hooseeya uu kor u kacay toddobo ilaa sagaal mitir nus saac gudahood, dhowr xarumood oo biyaha laga kormeero ayuu daadku qaaday ama burburay.
Mike Searle, oo ah borofisar cilmiga dhulka ka dhiga Jaamacadda Oxford, ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan, laga bilaabo dhul-go' ilaa daad, uu socon karay saacado ama xitaa maalmo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Daadadka badan ee burburka keenay ayaa tilmaamaya in dhul-go' uu jiray, biyuhuna ay urureen, oo ay xireen webiga" ayuu u sheegay BBC-da.
Goobta juqraafiyeed ee aagga ayaa sidoo kale ka dhigtay daadadku unay yihiin kuwo aad u daran.
Searle wuxuu sheegay in Langtang Lirung uu ku yaal meesha ugu sarreysa ee Himalayada sare waxaana jira "dooxooyin aad u dhaadheer" labada dhinac ee buurta, taasoo sababi kartay in biyuhu ay ku socdaan xawaare sare.
Sababta ka dambeysa burburka baraf-weynaha (glacier) ee dhacay maalintii Arbacada weli si buuxda uma cadda.
Sida qaybaha kale ee buuraha Himalaya, buurta Langtang Lirung ayaa si tartiib-tartiib ah kor ugu kacaysay sababo la xiriira dhaqdhaqaaqa lakabyada dhulka (tectonic movements) muddo dheer, ayuu yiri Searle.
Dhaqdhaqaaqa lakabka dhulku wuxuu ku lug leeyahay in hal lakab uu mid kale kor u riixo. Wuxuuna yiri, "Waa sida in giriig (qalabka baabuurka kor loo qaado) la geliyo baabuur hoostiisa si kor loogu qaado."
"Marka ay buurtu kor u kacayso, baraf-weynuhu wuxuu noqdaa mid aad u jilca badan, waana wax aan laga maarmi karin inay qaybo ka mid ah go'aan oo ay hoos u dhacaan."
Laakiin badanaa kuwani waa qaybo yaryar oo si ku-meel-gaar ah u xira webiyada ka dibna si fudud u sii qulqula, ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hase yeeshee, musiibadan, waxay u muuqataa in baraf-weynihii oo dhan uu hal mar wada go'ay, taas oo Searle uu ku tilmaamay inay tahay wax "aan caadi ahayn."
Wuxuu yiri, "Daadad noocan oo kale ah ayaa badanaa dhaca, laakiin ma aha kuwo baaxaddoodu sidaan u weyn tahay."
Wuxuu sheegay in dhacdadii Arbacada ay sababi kareen "laba hab oo kala duwan."
Marka hore, dhaqdhaqaaqa lakabyada dhulka (tectonic movements) ayaa laga yaabaa inay door ku lahaayeen sare u kaca buuraha Himalaya, marka labaadna, isbeddelka cimilada oo ay weheliyaan heerkulka sii kordhaya iyo dhalaalidda barafka buuraha ayaa iyaguna laga yaabaa inay door ku lahaayeen.
"Dhammaan arrimahan ayaa is biirsanaya si ay u abuuraan masiibooyinka ba'an ee aan hadda si joogto ah u aragno."
Saynisyahannadu waxay sannado badan ka digayeen in isbeddelka cimiladu uu horseedi doono dhalaalidda barafka iyo lakabyada dhulka ee weligood barafaysnaa (permafrost) ee buuraha Himalaya.
Horraantii sannadkan, falanqeyn ay sameysay hay'adda ICIMOD ayaa lagu ogaaday in barafka buuraha Hindu Kush uu hadda u dhalaalayo xawaare laba jibaar ka badan kii sannadkii 2000. Tani waxay sii kordhinaysaa khataraha sida daadadka.
Dr. Cook ayaa sheegay in sannadihii ugu dambeeyay ay dhaceen dhacdooyin kuwan la mid ah oo ku saabsan daadad iyo dhul go', kuwaas oo ka dhashay burburka barafka buuraha ee waddamada Hindiya, Switzerland iyo Talyaaniga.
Sannadkii 2021-kii, qayb weyn oo ka mid ah barafka buuraha Himalayas ayaa ka go'ay Dooxada Chamoli ee waqooyiga Hindiya, taasoo sababtay daad xooggan oo wata qashin iyo biyo. Ku dhawaad 200 oo qof ayaa ku dhintay dhacdadaas.
Saynisyahannadu waxay markii dambe qiyaaseen in saameynta burburka barafkaas ay la mid ahayd '15 bambo oo nukliyeer ah'.
Nepal ayaa sidoo kale sannadkii hore wajahday daadad ka dhashay haro barafaysan oo ku taal Tibet.















