Rag lagu khiyaamay 'guur-wadareed' kadib makrii ay gembiyeen gabdhihii arooska ahaa

Aroos

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Tobannaan rag ah ayaa lagu khiyaameeyay mid ka mid ah fadeexadaha guurka ee ugu waaweyn dalka Hindiya. Raggan oo u safray magaalada Dewas ee gobolka Madhya Pradesh iyagoo rajaynaya inay guursadaan, ayaa ogaaday ka dib saacado badan oo ay sugayeen in ay noqdeen dhibbanayaal shabakad khiyaano oo si habaysan loo abaabulay.

Subaxnimadii 24-ka May, macbadka Mata Tekri Temple ee magaalada Dewas ayaa loo qurxiyay in lagu qabto xaflad aroos oo weyn. Rag ka kala yimid magaalooyin iyo tuulooyin kala duwan, qaarkoodna ay la socdeen ehelladooda, halka kuwo kalena ay ku yimaadeen gaadiid la kiraystay, ayaa soo gaaray goobta xafladda. Intooda badan waxay xirnaayeen dharka arooska, iyagoo isu diyaarinayay mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan noloshooda.

Waxaa loo sheegay in ay guursan doonaan 24 saacadood gudahood. Hase yeeshee, gabdhihii la filayay in ay noqdaan caruusadaha ma aysan imaan, taas oo sababtay in xafladdii gebi ahaanba fashilanto.

Sida ay booliisku sheegeen, waxa ka dhacay Dewas waxay ahayd khiyaano baahsan oo lagu qariyay magaca "guur wadareed" (ama aroos wadajir ah); qorshe ay ragga doonaya xaasaska lagu weydiisanayay lacago badan iyadoo loo adeegsanayo ballanqaadyo been abuur ah.

Ku-xigeenka Taliyaha Booliiska Dewas, Jivirsen Bhadriya, ayaa sheegay in baaritaannadu muujiyeen in dad badan lagu bartilmaameedsaday fadeexaddan. Ilaa hadda laba qof ayaa la xiray, waxaana socda baaritaanno lagu aqoonsanayo laguna soo qabanayo eedeysanayaasha kale ee ku lug leh kiiskan.

Shabakad khiyaano

Sida ay sheegeen booliiska iyo dhibbanayaashu, fadeexaddan waxaa loo qorsheeyay si taxaddar leh. Xubnaha shabakadda khiyaanada ayaa marka hore aqoonsan jiray ragga raadinaya xaas, ka dibna waxay u sheegi jireen in gabdho ku nool xarun diimeed oo ku taal magaalada Indore ay diyaar u yihiin guur.

Marxaladda xigtay, lacag ayaa laga ururin jiray dadka codsiyada gudbiyay iyadoo marmarsiinyo looga dhigayo diiwaangelin, diyaarinta dukumentiyada, iyo dhammaystirka habraacyada sharciga. Dhammaan tallaabooyinkan waxaa lagu fulin jiray taleefannada gacanta iyo internet-ka.

Si loo helo kalsooni dheeraad ah, sawirrada gabdhaha ayaa loo diri jiray qoysaska. Hase yeeshee, markii dambe waxaa la ogaaday in sawirradaas laga soo ururiyay baraha bulshada oo aysan wax xiriir ah la lahayn dhacdadan.

Dhibbanayaasha ragga ah ayaa sidoo kale sheegay in magaca ra'iisul wasaaraha gobolka loo adeegsaday xayeysiinta qorshahan. Waxaa loo sheegay in mas'uuliyiin dowladeed ay ka qayb geli doonaan xafladda arooska, isla markaana kaalmo dhaqaale oo gaar ah la siin doono lammaanayaasha guursanaya.

Hindiya

Xigashada Sawirka, SAMEER KHAN

Qoraalka sawirka, Om Prakash wuxuu ka mid yahay dadka la khiyaameeyay

Mid ka mid ah dhalinyaradii dhibbanaha u noqday dhacdadan ayaa yiri:

"Waxaa naloo sheegay in gabdhuhu ay ku sugnaayeen xaalad aad u wanaagsan isla markaana ay diyaar u ahaayeen guur. Wax walba waxay u muuqdeen kuwo sax ah oo habsami u socda, sidaas darteed ma jirin sabab aan uga shakinno."

Wuxuu sheegay in markii uu codsaday inuu la kulmo gabadha uu doortay, loo sheegay in maaddaama gabdhuhu ay degganaayeen hoy diimeed, aysan suurtagal ahayn kulan ka hor arooska.

Taas beddelkeeda, waxaa loo xaqiijiyay in labada dhinac ay heli doonaan fursad ay isku arkaan oo ay wada hadlaan hal maalin ka hor xafladda guurka.

Maalintii ay nimankii guur-doonka ahaa yimaadeen, balse gabdhihii la guursan lahaa la waayay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid ka mid ah dadka cabashada gudbiyay ayaa sheegay inuu u safray magaalada Dewas isaga iyo sagaal xubnood oo qaraabadiisa ah si ay uga qayb galaan xafladda. Markii ay halkaas gaareen, waxay heleen tobannaan rag kale ah oo iyaguna qabay rajo iyo filashooyin la mid ah.

Sida uu sheegay, qiyaastii 42 nin oo aroosdoon ah ayaa ku sugnaa goobta xafladda. Intooda badan waxay jireen afartamaadkooda, halka qaar kalena ay gaareen da'da 60 jir.

Vikas Meena, oo ah dhibbane kale, ayaa sheegay inuu bixiyay 25,000 oo rupees oo lacag diiwaangelin ah si uu u dhammaystiro habraaca guurka.

"Waxaa naloo sheegay inaan guursan doono gabdho ka yimid xarun agoomeed," ayuu yiri. "Sawirradooda waa naloo soo diray, wax walbana waxay u muuqdeen kuwo dhab ah. Markii dambe ayaan ogaanay in dhammaan sawirradaas laga soo qaaday baraha bulshada."

Dadka xafladda yimid waxaa ka mid ahaa Om Prakash Prajapati, oo ah nin doortay xaaskiisa la filayay ka dib markii uu arkay sawirrada loo diray, isagoo xafladda yimid rajo weynna qaba.

Wuxuu sheegay in qabanqaabiyeyaashu xitaa bixiyeen tilmaamo ku saabsan dharka, xafladda, iyo caadooyinka arooska ee la raacayo ka hor guurka. Sidoo kale, waxay qoysaska ku wargeliyeen inaysan qaban wax xaflado ah ama dabaaldegyo kale ka hor imaanshaha arooska, maadaama dhammaan hawlaha iyo munaasabadaha lagu qaban doono hal goob oo keliya.

Saacado badan oo sugitaan iyo shaki ah

Qoysasku waxay gaareen macbadka aroortii hore, iyadoo qabanqaabiyeyaashu marar badan u xaqiijinayeen in gabdhihii la guursan lahaa ay jidka ku soo jiraan, isla markaana ay dhowaan ka iman doonaan magaalada Indore.

Laakiin markii waqtigu sii socday, wax raad ah lagama helin gabdhihii la sugayay. Duhurnimadii waxay isu beddeshay fiid, fiidkiina habeen, ugu dambayntiina dadkii goobta joogay waxay garteen in la khiyaameeyay.

Buuq iyo jahawareer ayaa halkaas ka dhacay, waxaana markaas lagu wargeliyay booliiska oo yimid goobta dhacdadu ka socotay.

Intii lagu jiray qalalaasahaas, mid ka mid ah qabanqaabiyeyaasha dhacdada ayaa ku andacooday inuu isaguna yahay dhibbane. Wuxuu sheegay in walaalkiis uu ahaa maskaxdii ka dambaysay qorshaha khiyaanada, isla markaana lacag kasta oo uu ka ururiyay dadka uu u gudbin jiray walaalkiis. Sida uu sheegay, isaga laftiisuna waa la khiyaameeyay.

Baaritaanka booliiska iyo halka uu marayo kiiska

Ka dib markii ay heleen cabashooyin badan, booliisku waxay fureen kiis rasmi ah oo lagu baarayo dhacdadan.

Baaritaannadii hore waxay muujinayaan in lacago kala duwan laga qaaday dad badan, kaddib markii loo diray sawirro been abuur ah. Sidoo kale, waxaa loo sameeyay ballanqaadyo badan oo been ah oo ku saabsan guurka, taageero dhaqaale, iyo faa'iidooyin kale.

Booliisku waxay xireen mid ka mid ah tuhmanayaasha ugu waaweyn, halka howlgalka lagu raadinayo dadka kale ee la xiriira shabakaddan khiyaanada uu weli socdo.

Dhanka kale, dhibbanayaashii fadeexaddan ayaa ku laabtay guryahoodii iyagoo la ildaran murugo, ceeb, iyo niyad-jab.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha, oo ah wiil 22 jir ah, ayaa sheegay in waxa ugu badan ee uu ka walwalsan yahay ay tahay sida dadka ku hareeraysan ay uga falcelin doonaan arrintan iyo saameynta ay ku yeelan karto mustaqbalkiisa.

Wuxuu yiri: "Waxaan ka codsaday dadka og dhacdadan inaysan faafin ama daabicin arrintan. Laakiin isla waqtigaas waxaan go'aansaday inaan kiiskan daba galo ilaa dhammaadka. Dadkii ku ciyaaray dareenka iyo kalsoonida shacabka waa in lagula xisaabtamaa falalkooda."

Qoyska arooska ee xaflad aan dhicin

Xigashada Sawirka, SAMEER KHAN