TOOS, Trump oo beeniyay warbixinta yaraanta rasaasta ee Mareykanka, kuna hanjabay inuu xabsiga dhigi doono sarkaalkii kashifay

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in Mr. Trump uu Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ka codsaday sharraxaad ku saabsan yaraanta rasaasta, maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qarax ka dhacay duleedka caasimadda Suuriya

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty

    Laba qof ayaa ku dhintay, 13 kalena waa ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay gaari nooca mini-bus ah oo ku sugnaa degmada Jaramana ee duleedka Dimishiq galabnimadii Khamiista, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Suuriya isaga oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

    Sida uu sheegay sawirqaade ka tirsan AFP, dhowr ambalaas ayaa u socday goobta uu qaraxu ka dhacay, taas oo ku taalla waddo weyn.

  2. Qalibaaf oo hanjabaadaha Trump ku tilmaamay “diblomaasiyad masraxeed oo soo noqnoqota

    Maxamed Baqer Qalibaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ayaa hanjabaadaha iyo hadallada Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ee ku saabsan Iiraan ku tilmaamay “diblomaasiyad maadays ah oo soo noqnoqota.”

    Qalibaf ayaa Khamiistii qoraal uu ku daabacay barta X ku soo celiyay qaar ka mid ah hadalladii u dambeeyay ee madaxweynaha Mareykanka, isagoo qoray: “Weerar weyn ayaa soo socda… iska daa, iyagu waxay rabaan wadaxaajood.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Hadalladan wax kale ma aha ee waa diblomaasiyad maadays ah oo soo noqnoqota.”

    Madaxa wafdiga wadaxaajoodka Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in “adeegsiga cagajuglayn iyo ballanqaadyo aan la fulin iyo warar been abuur ah oo loo adeegsado cadaadis lagu galo wadaxaajood, ay tahay istaraatiijiyad fashilantay.”

  3. Raysalwasaaraha Baakistaan oo booqasho ku tagay Sucuudiga xilli ay xaaladda Bariga Dhexe weli cakiran tahay

    Raysalwasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa gaadhay Sacuudi Carabiya isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.

    Bayaan Khamiistii ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Shahbaz Sharif uu gaadhay magaalada Jeddah kaddib casuumaad uu ka helay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in Raysalwasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Isxaaq Daar, Taliyaha Guud ee Ciidammada Difaaca Field Marshal, Caasim Muniir, Wasiirka Difaaca Khawaja Aasif iyo wasiirro kale ay sidoo kale la socdaan Raysalwasaare Shahbaz Sharif, booqashadiisa Sacuudi Carabiya.

    Maxamed Bin Salman iyo Shahbaz Sharif

    Xigashada Sawirka, PM House

  4. Qaraxyo laga maqlay magaalada Qeshm ee Iiraan

    Kaddib markii warbaahinno badan ay soo weriyeen in qaraxyo laga maqlay jasiiradda Qeshm, wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in “asalka dhawaaqyada qaraxyada ee Qeshm uu ahaa beegsiga bartilmaameedyo ay cadowgu leeyihiin.”

    Warbaahintan ayaa, iyadoo soo xiganeysa “ilo xog-ogaal ah”, qortay in “sababta loo maqlay laba qarax oo ka dhacay Qeshm qiyaastii saacaddu markii ay ahayd 9:40 fiidnimo, xilliga maxalliga ah ay ahayd la tacaalidda bartilmaameedyo cadow oo ku sugnaa afaafka marin-biyoodka Hormuz.”

    Tasnim waxay sheegtay in ay faahfaahinta warkan dhawaan soo bandhigi doonto.

  5. Amal Khaliil, wariye ku geeriyootay duqayn ay Israa'iil ku gaysatay Lubnaan

    Amal Khaliil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Laba urur oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeyn Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan, taas oo lagu dily saxafiyadda wargeyska Al-Akhbar Amal Khaliil, isla markaana si daran loogu dhaawacay sawirqaade madaxbannaan oo la yidhaahdo Zaynab Faraj, ay u muuqato dambi dagaal.

    Warbixinno kala duwan oo ay soo saareen Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta si ula kac ah loo bartilmaameedsaday xilli ay warbixin ka diyaarinayeen deegaanka Al-Tayri 22-kii Abriil.

    Labada urur ayaa dalbaday in dhacdadan lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan, waxayna Lubnaan ugu baaqeen in ay aqbasho awoodda maxkamadeed ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).

    Ciidanka Israa’iil ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen saxafiyiin, waxayna BBC-da u sheegeen in saddexda duqeyn ee ay fuliyeen lagu beegsaday laba xubnood oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Xisbullaah.

  6. Maraykanka oo martigelinaya shir ay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada kaga hadlayso adeegsiga tiknoolajiyada nukliyeerka ee badda

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay 26-ka iyo 27-ka August martigelin doonto shir ay ka qeybgalayaan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), kaas oo lagu soo bandhigayo hindisaha “Tiknoolajiyada Atoomikada ee Adeegsiga Badda”.

    Sida ay sheegtay wasaaraddu, shirka ayaa ka dhici doona magaalada Washington iyadoo ay ka qeyb geli doonaan wasiirro iyo siyaasiyiin, waxaana ujeeddadiisu tahay in la abuuro waddooyin ammaan ah oo lagu ballaadhin karo adeegsiga tiknoolajiyada nukliyeerka ee xagga badda.

    Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada ayaa sheegtay in hindisaha ATLAS, ama Tiknoolajiyada Atoomikada ee Adeegsiga Badda.

    Qorshahan ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu dhiirrigeliyo warshadaha in ay xoojiyaan amniga tamarta mustaqbalka fog.

  7. Xuutiyiinta oo weerar ku dilay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay bartilmaameedsadeen askar ku sugnaa xeryaha

    Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarro ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen xerooyin militari oo ku yaalla bartamaha Yemen.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhaceen dhowr xero oo ay maamulaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, kuwaas oo ku yaalla aagga al-Ruwaik ee gobolka Marib iyo aagga al-Abr ee gobolka Hadramawt.

    Wasiirka Caafimaadka, Qasim Bahibah, ayaa cambaareeyay weerarkaas "khiyaanada ah", isagoo sheegay in looga gol-lahaa in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida. Ma uusan shaacin tirada dadka ku dhintay weerarka.

    Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan waqooyi-galbeed ee Yemen isla markaana ay taageerto Iran, ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen "ciidamo militari oo waaweyn oo Sacuudigu soo daabulay" kuwaas oo u diyaar-garoobayay weerar dhanka milatariga ah. Isbaheysi uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa taageerayay dowladda intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dalka ka socday.

    Ma jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay isbaheysiga ama dowladda Sacuudiga.

    Yemen waxaa ragaadiyay dagaal sokeeye oo billowday sanadkii 2014-kii, markaas oo Xuutiyiintu ay xukunka ka tuureen dowladdii fadhigeedu ahaa caasimadda ee Sanca. Colaadda ayaa sii xoogeysatay sanadkii 2015-kii, ka dib markii isbaheysi Carbeed oo uu hoggaaminayo Sacuudigu ay soo farageliyeen xaaladda iyagoo isku dayaya inay soo celiyaan maamulkii dowladda.

    Warar dheeraad ah:

  8. War deg deg ah, UEFA oo weli ku hanjabaysa inay qaadacayso tartamada FIFA

    FIFA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxaha Yurub ayaa weli qaadi kara tallaabo ay ku qaaddacayaan tartamada, oo ay ku jirto Koobka Adduunka, iyadoo UEFA ay sheegtay in difaaca FIFA ay ka difaacayso madaxweynaheeda Gianni Infantino uusan "waxba beddelayn".

    War-saxaafadeed ay soo saartay, hay'adda maamusha kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegtay inaan la buuxin shuruudihii ay ku xirtay ka-noqoshada qorshihii Infantino ee ahaa in saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka laga iibiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay—inkastoo qorshahaas markii dambe la joojiyay.

    "Ururrada xubnaha ka ah UEFA waxay si cad u sheegeen shuruudaha la xiriira ka-maqnaanshahooda tartamada FIFA," ayaa lagu yiri bayaanka.

    "Marka hore, waa in laga noqdaa soo-jeedimaha lagu iibinayo tartamada waaweyn, marka labaadna, waa in la bixiyaa dammaanad ah inaan mar dambe la isku dayi doonin in qaabkan oo kale loo wiiqo ama loo beddelo ciyaarta.

    "Shuruudahan lama buuxin."

    UEFA ayaa horay u sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay Infantino, iyadoo ku tilmaantay soo-jeedinta FIFA inay tahay "heshiis liita, oo si qarsoodi ah looga shaqeeyay isla markaana aan daah-furnayn".

    Warar dheeraad ah:

  9. Sacuudiga oo Salem Shari u magacaabay taliyaha isbahaysiga badda

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, Saudi Ministry of Defense

    Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday magacaabista Cabdullaahi bin Saalim Shari inuu noqdo taliyaha isbahaysiga ciidamada badda ee caalamiga ah.

    Sida ku cad bayaanka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, oo sidoo kale lagu daabacay barta X, Shari ayaa kormeeri doona "Difaaca Badda ee Wadajirka ah", isaga oo la xiriiri doona oo isku dubbaridi doona dalalka xubnaha ka ah iyo isbahaysiyada kale ee badda, isla markaana fulin doona howlgallada ay ansixiyeen isbahaysigu.

    29-ka Agoosto, Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday sameynta isbahaysi difaac badeed oo caalami ah, kaas oo ay ka qeyb galayaan 13 dal oo kale, waxaana hoggaaminaya Riyadh.

    Tallaabadan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, waxay ujeeddadeedu tahay in la ilaaliyo maraakiibta caalamiga ah, marinnada ganacsiga iyo gudbinta tamarta, iyadoo laga hortagayo khataraha sii kordhaya ee ka jira Badda Cas, Marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inay ku soo rogayaan Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha shidaalka ee ugu weyn adduunka, xayiraad dhanka badda ah.

    Warar dheeraad ah:

  10. Maxay Saynisyahannadu ka baran karaan gantaalkii Dayaxa ku dhacay?

    Gantaal ay leedahay shirkadda SpaceX oo qaldamay ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhacay dayaxa, isagoo abuuray god cusub oo u dhow Godka caanka ah ee Einstein, taasoo siinaysa saynisyahannada fursad cilmi baaris oo naadir ah oo gacan ka geysan karta hawlgallada hawada sare ee mustaqbalka.

    Qaybta sare ee gantaalka Falcon 9 ayaa ku dhacay Arbacadii dusha dayaxa meel u dhow Godka Einstein isagoo ku socday xawaare dhan 8,700 kiiloomitir saacaddii.

    Iftiinka gaaban laakiin cajiibka ah ee ka dhashay shilka ayaa adkayd in la arko xitaa xiddigiyayaal si hiwaayad ah u eega oo wata teleskoobyo horumarsan uma suurto galin, laakiin indha-indheeyayaasha waaweyn ee Ameerika ayaa hadda baaraya xogta.

    Waxay qaadan kartaa maalmo ama xitaa toddobaadyo si ay si buuxda ugu fahmaan dhacdada iyo waxa laga baran karo, laakiin saynisyahannada darsa qaab-dhismeedka iyo dusha sare ee meerayaasha, ayaa arrintan u arka fursad cilmiyeed oo naadir ah.

    Falcon 9 oo ay leedahay shirkadda SpaceX waa gantaal dib loo isticmaali karo, kaas oo loo adeegsaday hawlgallo badan. Gantaalkan waxaa loo qaabeeyey qaab qayb ka mid ah inay dib ugu soo laabato Dhulka, halka qaybaha kalena lagu reebo hawada sare.

  11. Trump oo beeniyay warbixinta yaraanta rasaasta ee Mareykanka, kuna hanjabay inuu xabsiga dhigi doono sarkaalkii kashifay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in Mareykanku leeyahay kayd aad u ballaaran oo rasaas iyo hub ah, wuxuuna ku hanjabay in dadka faafiya warar lid ku ah arrintaas ay wajihi doonaan xabsi dheer.

    Farriin uu ku daabacay barta Truth Social, ayuu ku weeraray wararka warbaahinta ee sheegaya in kaydka hubka Mareykanka uu yaraaday. Wuxuu sheegay in Mareykanku leeyahay "tiro aad u badan oo rasaas iyo hub ah, gaar ahaan noocyo gaar ah," balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    "Waxaa intaas dheer in tiro badan oo rasaas ah la soo saarayo, waxaana loo diri doonaa Mareykanka marka loo baahdo. Shirkadaha difaaca waxay dhisayaan tiradii ugu badnayd ee warshado iyo xarumo wax-soo-saar ah taariikhda dalkeenna," ayuu Trump ku daray.

    Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in Trump uu Jimcihii la soo dhaafay weydiiyay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, inuu sharaxaad ka bixiyo yaraanta rasaasta intii lagu jiray shir golaha wasiirrada oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Camp David.

    Wargeysku, isagoo soo xiganaya laba ilo oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in Trump uu u sheegay Hegseth inuu u haystay in arrinta yaraanta rasaasta hore loo xalliyey.

    Khamiistii, Trump wuxuu si kulul u cambaareeyay wararkaasi, isagoo qoray: "Kuwii faafiyay xogtan khiyaanada ah waa la dacweyn doonaa, waxayna wajihi doonaan xukuno xabsi oo dheer."

    Dhanka kale, CNN ayaa sheegtay in yaraanta gantaallada hagista fog iyo gantaallada difaaca cirka ay saameyn ku yeelatay siyaasadda Donald Trump ee la xiriirta colaadda Iiraan.

    Warar dheeraad ah:

  12. Ukraine oo weerartay laba warshadood oo sifeeya shidaalka Ruushka

    Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in weerar uu Ruushku habeenkii xalay ku qaaday magaalada Sumy ee waqooyi-bari Ukraine uu dhaawacay 12 qof.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in weerar uu Ruushku habeenkii xalay ku qaaday magaalada Sumy ee waqooyi-bari Ukraine uu dhaawacay 12 qof.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ukraine ay weerartay laba warshadood oo sifeeya shidaalka oo ku yaalla dalka Ruushka.

    Farriin uu ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay, in Ciidamada Difaaca Ukraine ay beegsadeen warshadda sifeynta shidaalka ee Slavneft-Yanos oo ku taalla Yaroslavl iyo warshadda Bashneft-Novoil ee ku taalla Bashkortostan.

    Qiiq iyo uuro madow ayaa lagu arkayay agagaarka warshadda sifeynta shidaalka ee Yaroslavl, kaddib weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay fuliyeen.

    Guddoomiyaha gobolka Yaroslavl, Mikhail Evraev, ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ee weerarka soo qaaday la burburiyay, balse burburkii ka soo dhacay ay sababtay in saddex guri ay dab qabsadaan.

    Zelensky ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay weerareen laba doomood oo roondo ciidan ah iyo markab ka tirsan waxa uu ku tilmaamay kooxda maraakiibta qarsoon ee Ruushka ee ku sugan Badda Madow.

  13. Hoggaamiyaha darbijiifka ahaa ee saddex madaxweyne iyo Shabaab la diriray

    Waxaa uu la dagaalay saddex madaxweyne iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.
    Qoraalka sawirka, Waxaa uu la dagaalay saddex madaxweyne iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.

    Waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu saameynta weynaa Soomaaliya ee xukumi jiray mid ka mid ah gobolada ugu kheyraadka badan. Waxa uu saameyn weyn oo ciidan iyo hoggaamin ku lahaa isbaheysiga dooxada jubba, Shabeelada Hoose iyo gobolka Banaadir. Waxa uu la dagaalay saddex madaxweyne, Cabdulaahi yuusuf, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Farmaajo, iyo kooxda Al-Shabaab, oo uu mar ka mid ahaa 'dadkii barbaariyay'.

    Waa Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaalka ee loogu cabsida badnaa, laakiin lagu tilmaamo in uu yahay nin kadhaadh badan oo hadba shaati cusub tosha. Waxa uu ka badbaaday duulaankii ay Maxkamadaha Islaamiga ah ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kaga saareen qabqablayaashii la midka ahaa, isaga oo ba ka mid noqday hoggaankii sare ee maxkamada Islaamiga ah. Waxa uu qeyb ka ahaa dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya, isaga oo la shaqeeyay Shabaab kahor inta uusan ku biirin Xisbul Islaam iyo kahor heshiiskii uu la galay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Waxaa uu ahaa hoggaamiyehii ku dhawaaqay inay qabsanayaan Addis Ababa, eray loo arkay inay eersadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee awoodda isbidayay. Marka kale, sanadkii hore waxa uu isaga oo ciidamo wata ku dhawaaqay in aysan dowlad ka jirin Soomaaliya xilli lagu muransanaa mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Farmaajo. Hoggaamiyaha xabsi guriga ku jira ee mar ahaa ninka ugu awoodda badan xarakooyinka hubeysan, Xasan Daahir Aweys, waxa uu Indho-cadde ku tilmaamay ‘nin burburiya koox walba oo uu qeyb ka noqdo’.

    Nolosha darbi-jiifnimada iyo kabo-caseynta

  14. Kumanaan dad ah oo ku qulqulaya tuulo ku taalla Kenya oo la sheegay in dahab laga helay

    dahab

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, dahab

    Wararka sheegaya in dahab laga helay tuulada Cheparor ee deegaanka Kapenguria, ismaamulka West Pokot ee Kenya, ayaa sababay in dad aad u tiro badan ay halkaas u soo safraan iyagoo raadinaya dahabka oo ah hanti muhiim ah.

    Muuqaallo la arkay ayaa muujinaya dad badan oo ku kala firdhisan dhul bannaan, kuwaas oo adeegsanaya qalab aan rasmi ahayn si ay u qotaan dahabka, halka qaar kalena ay ciidda ku ururinayaan weelal iyo jawaanno ka hor inta aysan ka qaadin goobta si ay u baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.

    Sawirrada laga soo qaaday halkaas ayaa muujinaya rag iyo dumar si wadajir ah u shaqaynaya; qaar ayaa qodaya godad yaryar, halka kuwo kalena ay saf ugu jiraan inay qaataan ciidda laga soo saaray godadka, iyagoo rajaynaya inay meel kale ka hubiyaan in ay ku jiraan waxyaabo ka mid ah macdanta qaaliga ah.

    Sida ku cad xogaha lagu faafinayo internetka, dhaq-dhaqaaqa dadku wuxuu billowday kaddib markii laba wiil la sheegay inay heleen wax loo malaynayo inuu yahay dahab.

  15. Puntland oo sheegtay inay howlgal kale fulisay

    .

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND POLICE

    Qoraalka sawirka, .

    Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si rasmi ah ula wareegeen taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah isugu ekeeysiinayeen ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, waa sida ay iyagu hadalka u dhigeenee.

    Si buuxda ayay sheegeen inay ugu jirto gacanta Dawladda, isla markaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda.

    “Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Intii uu socday hawlgalkii Gaalkacyo, waxay sheegeen in Ciidanka Difaaca Puntland ay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah.

    “Waxaa intaa dheer in lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” , ayuu yiri boolisku.

    Dhamaan howlgalada ayay sheegeen in lagu fulinayo si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay'adaha dawladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga”, ayay tiri.

    “Ciidanka Difaaca Puntland waxay ugu baaqayaan dhammaan kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa'iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga. Waxaa sidoo kale digniin adag loo dirayaa cid kasta oo gabaad, taageero ama kaalmo siisa kooxaha firxadka ah, maadaama lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga”, ayay yiraahdeen.

    “Ciidanka Difaaca Puntland waxay mar kale ku celinayaan in cid kasta oo diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay'adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, iyadoo la sii wadi doono hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud dalka”, ayay intaasi raaciyeen..

  16. "Dadka Iran waa dad aad u dhib badan" - JD Vance

    JD Vance

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, JD Vance

    Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Fox News, Madaxweyne ku-xigeenka Donald Trump, J.D. Vance, ayaa ka hadlay cabashada ay muwaadiniinta Mareykanku ka qabaan dagaalka Iran.

    Wuxuu sheegay in mid ka mid ah caqabadaha jira ay tahay in gudaha dowladda Iran ay jiraan laba dhinac; mid doonaya in la galo wada-hadal, halka dhinaca kale oo fikir adag uu doonayo in colaadda iyo dagaalku sii socdaan.

    Madaxweyne ku xiigeenka,JD Vance, oo hoggaaminayey kooxda wada-xaajoodyada Mareykanka intii lagu jiray wadahadalladii Islamabad, ayaa Fox News u sheegay in aragtidiisa ay tahay in khilaafka iyo iska horimaadka Iran uu leeyahay marxalado kala duwan oo sare u kac iyo hoos u dhacba leh.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu rumaysan yahay in ugu dambayn arrimuhu ku dhammaan doonaan si waafaqsan danaha ugu wanaagsan ee shacabka Mareykanka.

    Dhanka kale, warbixinno qaar ayaa sheegaya in Mohammad Baqer Qalibaf laga yaabo inuu booqdo Pakistan maalmaha soo socda.

    Iran weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin wararkaasi. Qalibaf wuxuu ahaa madaxa ergada Iran ee ka qayb gashay wada-hadalladii u dhexeeyey Tehran iyo Washington ee uu Pakistan dhex-dhexaadineysay, kuwaas oo ugu dambayn horseeday in la saxiixo Heshiiska Islamabad.

    Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaasi wuxuu lumiyey awooddiisii wax yar kaddib markii labada dal ay dib ugu noqdeen colaaddii iyo iska horimaadkii.

    Sidoo kale akhri

  17. Maxaad kala socotaa howlgalladii khaaska ahaa ee lagu dilay ama lagu xiray Usaama, Saadaam iyo Qadaafi?

    Usaama, Saadaam iyo Qadaafi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Usaama, Saadaam iyo Qadaafi

    Mareykanka ayaa muddo sannado ah hoggaanka u hayay dadaal lagu doonayay in lagu soo xiro ama lagu dilo madaxda kooxo argagixiso ah ama madaxweyneyaal dalalkooda laga afgambiyay oo loo heysto dambiyo kala duwan.

    Dadka loogu doon doonista badnaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen, Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi iyo hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida Usaama bin Laadin.

    Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa qorshe walba u sameyn jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hadafkaas.

    Qof marka uu noqdo hoggaamiye waddan ama koox waxyaabaha uu fursadda u helo waxaa ka mid ah in la difaaco sharaftiisa oo amnigiisana la sugo. Taas ayaa adkeyneysay in horumar laga gaaro soo qabashadooda ama dilkooda.

    Haddaba sidee ayay u dhaceen howlgalladii khaaska ahaa ee raggaas ka dhanka ahaa?

    Dadka loogu doon doonista badnaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saadaam Xuseen, Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi iyo hoggaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida Usaama bin Laadin.

    Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa qorshe walba u sameyn jiray sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hadafkaas.

    Qof marka uu noqdo hoggaamiye waddan ama koox waxyaabaha uu fursadda u helo waxaa ka mid ah in la difaaco sharaftiisa oo amnigiisana la sugo. Taas ayaa adkeyneysay in horumar laga gaaro soo qabashadooda ama dilkooda.

    Ciidamada amaanka iyo kuwa sirdoonka ee Mareykanka ayaa howlgal ay ujeeddadiisu ahyad in lagu xiro ama lagu dilo Usaamada bin Laadin. Ninkan oo ahaa hoggaamiyihii hore ee kooxda A-Qaacida ayaa loo heystay dambiyo uu ka mid yahay weerarkii Mareykanka ka dhacay September 11,2001

  18. Trump iyo xoghayahiisa difaaca oo hadallo isdhaafsaday oo ku saabsan dagaalka Iiraan

    Trump iyo wasiirkiisa difaaca

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Trump iyo wasiirkiisa difaaca

    Sida uu qoray wargeyska Washington Post, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo Wasiirka Difaaca, Pete Hegseth, ayaa isku khilaafay arrinta la xiriirta hoos u dhaca kaydka gantaallada iyo rasaasta ciidamada Maraykanka, intii uu socday iska horimaadkii Iran, xilli u socday kulan ay saraakiisha ugu sarreysa dowladda ku yeesheen Camp David.

    Sida ilo xog-ogaal ah sheegeen, intii uu kulankaasi socday, Trump ayaa Pete Hegseth ka dalbaday inuu sharaxo sababta uu si degdeg ah ugu yaraanayo kaydka hubka casriga ah ee si sax ah u beegsada bartilmaameedka iyo gantaallada riddada dheer, isagoo muujiyay walaac ku saabsan heerka u diyaargarowga ciidamada Maraykanka ee colaadda socota.

    Warbixintan ayaa soo baxday kaddib markii warbaahinta CBS News iyo Reuters ay dhowaan, iyagoo soo xiganaya ilo aan magacyadooda la shaacin, ay sheegeen in Maraykanku uu isticmaalay ku dhowaad dhammaan kaydkiisii gantaallada riddada dheer ee saxda ah, oo ay ku jiraan nidaamka gantaallada istaraatiijiga ah ee ciidamada dhulka iyo gantaallada weerarka ee saxda ah, intii lagu jiray hawlgalkii militari ee ka dhanka ahaa Iran ee loogu magac daray "Epic Fury."

    Warbixinahaasi waxay sidoo kale tilmaameen in kaydka gantaallada difaaca cirka ee noocyada Patriot iyo THAAD uu si xawli ah u sii yaraanayo, heer ka sarreeya awoodda wax-soo-saarka warshadaha difaaca ee Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha dowladda Maraykanka ayaa beeniyay qiimeyntaasi. Sean Parnell, afhayeenka ugu weyn ee Wasaaradda Difaaca Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay “weli haystaan wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda,” isla markaana ay leeyihiin awood ku filan oo ay ku difaacaan danaha Maraykanka.

    Horey, Pete Hegseth wuxuu ku tilmaamay warbixinnada sheegaya hoos u dhac walaac leh oo ku yimid kaydka hubka Maraykanka inay yihiin “sheeko la been-abuuray,” isagoo sheegay in kaydka militari ee dalka uusan hoos u dhicin, balse uu sii xoogeysanayo.

    Saraakiil la hadlay Washington Post ayaa ku dooday in sababta ka dambeysay weerarka ballaaran ee Trump uu toddobaadkii hore ugu hanjabay inuu ku qaadi doono Iran ay ahayd walaaca laga qabo yaraanta kaydka gantaallada.

    Sidoo kale akhri

  19. Diyaarad siday walxaha qarxa oo laga helay garoonka diyaaradeed

    Robot ayaa loo diray si ay u qarxiso

    Xigashada Sawirka, Jens Schlueter/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Robot ayaa loo diray si ay u qarxiso

    Booliska ayaa sheegay in garoon diyaaradeed oo ku yaalla Jarmalka laga helay diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo sidday walaxaha qarxa.

    Sida uu sheegay booliska gobolka Saxony, waxaa la adeegsaday robot lagu baaro walxaha qarxa kaddib markii shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Leipzig/Halle uu habeenkii arkay qalabkaas oo yaallay meel u dhow diyaaradaha xamuulka qaada ee Ukraine.

    Waxaa kale oo la sheegay in walax labaad oo aan weli la aqoonsan ay ku dhacday diyaarad xamuul oo ku dhow isla garoonkaas. Diyaaraddaasi waxay ku degtay magaalada Hanover iyadoo uu soo gaaray dhaawac fudud.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka ayaa sheegay in dhacdooyinkani ay muujinayaan "heer cusub oo khatar ah."

    Garoomada diyaaradaha ee Jarmalka ayaa galay feejignaan sare kaddib markii bilihii la soo dhaafay ay dhaceen duullimaadyo badan oo aan la oggolayn oo ay sameeyeen diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu arkay saldhigyo ciidan, garoomo diyaaradeed, xarumo tamareed, dekedo iyo shirkado saadka qaada.

    Booliska ayaa ka digay in ay suuragal tahay in Ruushku ku lug leeyahay arrimahan, hase yeeshee Moscow way beenisay eeddaas.Garoonka Leipzig/Halle, oo ku yaalla bariga Jarmalka, waxaa isticmaala ciidanka Jarmalka iyo xulafada NATO si loogu qaado qalabka milatariga.

    Waxa kale oo uu saldhig u yahay shirkadda diyaaradaha ee Ukraine ee Antonov Airlines, oo qaadda inta badan xamuulka dalkaas.

    Garoonkan sidoo kale waa xarun muhiim u ah shirkadda caalamiga ah ee saadka qaadda ee DHL.

    Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay BBC in qalabka qaraxa watay laga helay meel u dhow diyaaradaha Antonov ee taagnaa.

    Boolisku waxay marka hore ka saareen qalabkii qarxinta, dabadeedna waxay sameeyeen qarxin la xakameeyey si qalabka loo burburiyo si ammaan ah.

    Duullimaadyada laga isticmaalo dhabaha waqooyi ee garoonka ayaa dib u billowday saacaddu markay ahayd 01:55, halka dhabaha koonfureed uu weli xiran yahay.

  20. Madaxweynaha Iiraan oo markan u hadlay si ka duwan sidi hore

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in xiriirka iyo wada-shaqeynta uu la leeyahay Hoggaamiyaha Sare ee dalka ay hadda yihiin "mid aad u adag."

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku adkeystay inuu awooday inuu la yeesho kulammo miro-dhal ah.

    Mojtaba Khamenei ayaan wax muuqaal dadweyne ah kasoo muuqan tan iyo markii uu la wareegay xilka Hoggaamiyaha Sare.

    Wararka ayaa sheegaya inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah weerarradii ugu horreeyay ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Iiraan.

    Weerarkaasi wuxuu sidoo kale dilay aabbihii, Ayatollah Ali Khamenei, kaasoo uu beddelay isagoo noqday Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan.

    Sidoo kale akhri