BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Xuutiyiinta oo gaaray Bab al-Mandab, maxay tahay muhiimadda ay leeyihiin deegaannada ay qabsadeen?
Xuutiyiintu waxay ballaariyeen gacan-ku-hayntooda xeebaha galbeed ee Yemen, waxayna gaareen goobo istiraatiiji ah oo ku dhow Bab al-Mandab, oo ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida.
Warbixin: Trump wuxuu diiday codsigii Maxamed bin Salmaan ee ahaa in la beegsado Xuutiyiinta
Mas’uuliyiin ayaa sheegay in maamulka Mareykanku uusan qorshaynayn inuu si toos ah tallaabo militari uga qaado Xuutiyiinta, inkastoo ay gacanta ku dhigeen magaalo iyo jasiirad ku taalla Marinka Bab al-Mandab.
Sida khuurada lammaanahaaga ay u saameyn karto caafimaadkaaga
Inaad ag seexato qof khuurinaya waxay si xun u saameyn kartaa caafimaadkaaga, ayay khubarro u sheegeen BBC-da.
Weerarradii September 11: Maxaa dhacay maalintaas? Imisa qof ayaa ku dhintay?
Maalin Talaado ah 11-kii September 2001-dii, rag ismiidaamiyey ayaa xoog kula wareegay diyaarado kuwa rakaabka ah oo Maraykanka uu lahaa waxayna diyaaradahaas ku dhufteen laba daarood oo dhaadheer oo New York ku yaallay, halkaas oo kumanaan qof ay ku dhinteen.
TOOS, Xuutiyiinta oo isku fidinaya Waqooyiga Baabul-Mandab iyo hoos u dhac ku yimid saamiga suuqyada Aaasiya
Horumarka Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ee koonfur-galbeed Yemen ayaa sii socda. Sida ay wararku sheegayaan, waxay sidoo kale qabsadeen Dhubab iyo Jasiiradda Mayun, taas oo haddii ay sidaas tahay ku dhowaad dhammaystiri lahayd gacan-ku-haynta Xuutiyiinta ee marin-biyoodka Baabul-Mandab.
maxkamad go'aan kasoo saartay nin doonayay in loo soo celiyo haddiyado dhan $369,000 oo saaxiibtiis hore uu siiyay
Maxkamadda Sare ee Singapore ayaa go’aamisay in haweeneydu ay saxan tahay, iyadoo garsooruhu sheegay in ninku si “ikhtiyaari ah” ugu deeqi jiray haddiyado badan, xitaa ka hor intii aysan xiriir bilaabin.
Maxaan ka ognahay Bank-ga Türkiga leeyahay ee Maraykanku Iiraan darteyd cunaqabataynta u saaray?
Lix bilood kaddib markii uu dagaalku billowday, Washington ayaa weli wada dadaalladeeda ku aaddan in Iraan dhaqaale ahaan la go'doomiyo.
Maxaa adkeynaya in la jebiyo ammaanka Putin? Yaa hubiya cuntadiisa iyo biyihiisa?
Vladimir Putin waxa uu talada hayay tan iyo sannadkii 2000. Muddada uu xilka hayay ayaa ah tan ugu dheer marka laga reebo Joseph Stalin, marka loo eego hoggaamiyeyaashii kale ee soo maray Kremlin-ka.
Maxay yihiin Xuutiyiinta Yemen, maxaase khilaaf ah oo kala dhexeeya Sacuudiga?
Weerarrada Xuutiyiinta ee lagu qaaday magaalooyin iyo xarumaha tamarta ee Sacuudiga ayaa dhaawacay 73 qof, halka Sacuudigu uu kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo deegaannada Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen.
Sababta ay gacmahaaga oo wasakhooba ugu wanaagsan tahay caafimaadkaaga
Gacmaha oo lagu taabto ciidda, cawska, geedaha ama caleenta dhirta waxay yeelan kartaa faa'iidooyin caafimaad oo kala duwan, kuwaas oo saameeya maqaarka iyo guud ahaan hab-dhiska difaaca jirka.
Cod, Maxaan ka ognahay dhacdadii naxdinta lahayd ee lagu dilay askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya?
Dhacdooyinka la xiriirra dadka loo dilo aanada qabiilka ayaa muddaba ka jirtay deegaannada Soomaalida, waxaase dadka aad uga nixiyay ayaa ah, erayada uu ku dalbanayay ninkan dhalinyaradada ah in la sii daayo kahor dilkiisa.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.














































































