Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan nolol nuucee ah ayuu ku nool yahay?

Laga soo bilaabo afaafka Zanbaq ee magaalada Kabul, dhinaca dugsiga sare ee Amani, waxaa isku marta waddada Ariana oo ku geynaysa Afaafka Ariana ka dibna Qasriga Madaxtooyada ee Arg. Jidkan dhalinyaro badan maanta ayay u rkaan wax cusub, laakiin dadka waayeelka ah ee reer Afgaanistaan waxay u tahay xusuus hore.
Waxaan ahay saxafigii ugu horeeyay ee muddo shan sano ah tan iyo markii ay xukunka qabatay xukuumadda Taalibaan ee gudaha u galay Qasriga Arg oo ah xarunta ugu muhiimsan ee awoodda iyo talada Afgaanistaan, isagoo kamarad gacanta ku haya.
Waxaan Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan kula hadlay anigoo kamaradda horteeda fadhiya, waxaana sidoo kale halkaas kula kulannay dad aanan filayn inaan la kulanno.
Xilligii Jamhuuriyaddii hore ee Afghanistan, jidka taga Arg wuxuu ahaa mid qarsoodi ah oo dadka caadiga ah loo ogolaan jirin inay arkaan ama maraan.
Qalcadda dhagaxa ah ee Arg muddo hal qarni iyo bar ah waxay ahayd astaanta ilaalinta awoodda Afgaanistaan.
15-kii Agoosto 2021 subaxdii waxaa taagnaa calanka saddexda midab leh ee qaranka Afgaanistaan, galabnimadii kadib waxaa la taagay calanka cad ee xukuumadda Taalibaan. Taasi waxay sababtay in Taalibaan mar labaad la wareegaan xukunka Afgaanistaan.
Markaad ka tallaabto Afaafka Ariana waxaad tagaysaa xaruntii CIA-da Mareykanka oo telefoonada agagaarkeeda aan lagu isticmaali karin.
Dhabarka Qasriga Arg waxaa ku yaala geedo chinara ah oo ka mid ahaa astaamaha xukunkii hore ee Afgaanistaan. Geedahaasi waxay soo joogeen oo ay marag ka ahaayeen soo dhaweyntii hogaamiyeyaal badan oo soo maray Afgaanistaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markaad gudaha u gasho Qasriga Arg ee 145 sano jira, derbiyadiisu waxay bixinayaan dareen xasilooni iyo awood weyn leh. Taariikhda dheer iyo waxyaabihii ka dhacay gudaha qalcadda ayaa kugu abuuraya ixtiraam iyo cabsi isku dhafan oo aan afka lagu tilmaami karin.
Qofka ama xisbiga talada haya wax muhiimad ah ma laha. Awoodda iyo qasriga Arg waa taagan yihiin, mana beddelaan xukunka cidda haysa. Haddii dawladdii isbeddesho, qalcaddii iyo awooddii weli way sii jirtaa.
Sanqadha biyaha iyo baalasha qoolleyda waa muuqaal qof kasta oo yimaada uu la kulmo oo qalbigiisa taabta.
Dhismuhu waa kii hore laakiin dharka iyo qaabka masuuliyiinta ayaa isbeddelay. Halkii hore looga arki jiray suudad, hadda waxaa ugu badan ee ay dadku xidhaan waa dharka dhaqanka.
Halkan waxaa ku yaal dhowr qasri, qasri kastaana waxaa ka socda shaqo gaar ah. Laakiin masaajidka weyn ee ku yaala meel u dhow labada qaybood ee Qasriga Madaxtooyada Afgaanistaan waa meesha ugu fiican ee dhammaan masuuliyiintu ay ku kulmaan waqtiga salaadda.
Waxaa naloo sheegay in hoggaamiyaha xukuumadda Taalibaan Mawlawi Hibatullah Akhundzada uu mararka qaar yimaado Arg, isaga oo ku nagaada qaybta gaarka ah ee qasriga Madaxtooyada. Meel kastana waxaa taagan dad ka hadlaya arrimo muhiim ah oo run ah.
Waxaan aragnay Taliyaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Fasihuddin Fitrat iyo Wasiirka Dhaqaalaha Din Muhammad Hanif oo inooga warramay caqabadaha amni ee ka jira waqooyi bari Afgaanistaan.
Wasiirka Guriyeynta iyo Dhismaha Magaalooyinka Najibullah Hayat Haqqani wuxuu isna ka hadlayay dhismaha magaalooyin cusub oo loogu talagalay qoysaska kasoo laabtay qaxootinimada.
Waxaan sidoo kale halkan ku aragnay qof aan muddo bil ah raadinaynay. Taliyihii gobolka Badakhshan Juma Khan Fatih oo lagu wareersanaa inuu diiday iyo inuu heshiis dowladda la galay ayaa halkan yimid si uu ula kulmo Ra'iisul Wasaaraha.
Waxaa jiray warar iska soo horjeeda oo ku saabsanaa Juma Khan. Qaar waxay sheegayeen inuu diiday amarkii dowladda, qaar kalena waxay sheegayeen inuu dowladda la heshiiyay. Wuxuu yimid halkan si uu si toos ah ula kulmo Ra'iisul Wasaaraha si arrinta looga hadlo.
Bil ka dib markii uu Ra'iisul Wasaaraha la kulmay, Juma Khan Fatih wuxuu mar kale ku lug yeeshay isku dhac cusub oo ka dhacay gobolkii uu ka talinayay ee Badakhshan.

Arg waxaa mar walba jooga qof leh awood weyn. Sida hore loogu yaqiinayay Karim Khurram oo ahaa Madaxa Xafiiska xilligii madaxweyne Karzai, hadda sidoo kale Dr. Abdul Wasi' Khaadim ayaa ah Madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee xukuumadda Taalibaan, xafiiskiisuna wuxuu ku yaalaa qasriga Sangin.
Haddii aad rabto inaad la kulanto Ra'iisul Wasaaraha Mulla Muhammad Hassan Akhund oo ah hoggaamiyaha koowaad ee Qasriga Arg iyo qofka labaad ee ugu sarreeya xukuumadda Taalibaan, waa in aad marka hore marto oo aad ogolaansho ka hesho Dr. Abdul Wasi' Khaadim oo ah madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Albaab taariikhi ah oo ku yaal waddada ayaa gadaal kaaga xidhaya. Waa Albaabkii Qasriga Gulkhana oo ay madaxweynihii hore iyo hoggaamiyeyaashu xafiisyadooda uga soo gali jireen. Habka loo tago xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee xukuumadda Taalibaan wuu ka duwan yahay.
Dhismahan waxaa hore loo isticmaali jiray maamulka munaasabadaha laakiin hadda shaqadiisii waa isbedeshay. Wuxuu noqday goobta ay ku kulmaan, ay ku sugaan, iyo ay xiriirka ku sameeyaan mas'uuliyiinta iyo hoggaanka Qasriga Arg.
Xafiiska rasmiga ah ee uu Ra'iisul Wasaaruhu ka shaqeeyo oo uu kulamadiisa ku qaato waxaa la ii oggolaaday inaan arko, kana weydiiyo su'aalo ku saabsan maamulka shaqada maalinlaha ah ee xukuumaddiisa. Xukuumadda Taalibaan waxaa laga maamulaa qolkan oo aan kula kulannay Ra'iisul Wasaaraha.
Wuxuu dhulka dul yaalla roog jaalle ah oo aan barkimo lahayn. Saaxiibbadiis, wasiirrada iyo martida kale ayaa ag fadhiya. Saacadda derbiga ku taalla waxay bixinaysaa dhawaaq tik oo way socotaa. Waqtiga shanta salaadood ayaa inta badan lagu ogaadaa.
Waxaan weydiiyay sida uu subaxda u bilaabo maalintiisa. BBC-da waxaa si gaar ah loogu fasaxay inay kamarad gudaha Arg la galaan oo ay sawirro ku qaadaan iyo sidoo kale ay diyaariyaan warbixin muuqaal ah.
Waxa ugu horeeya ee la qabto waa arrimaha maamulka. Haddii ay jiraan soo jeedino iyo codsiyada dadka, inta aan la dhammeynin laguma bilaabo shaqo kale, xitaa haddii ay qaadato hal, laba ama saddex saacadood.
Kadib marka codsiyada shaqsiyaadka, shirkadaha iyo dalabyada kaladuwan la dhammeeyo, waxaa yimaada shan, lix ama toban qof oo ka kooban wasiirro, odayaal qabiil, culimo iyo qaar ka mid ah madaxda maxkamadaha. Marka kulankaasna la dhammeeyo, waxaa timid waqtigii salaadda duhurka.
Waxaan xasuusiyay Agoosto 1999-kii, markaas oo uu Mulla Muhammad Hassan Akhund ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda. Wuxuu markaas Islamabad u tagay si uu u soo dhaweeyo Sartaj Aziz oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan.
Waqtigaas anigu waxaan ahaa Ku-xigeenka Maamulka ee Ra'iisul Wasaaraha, ka dib muddo ayaan u wareegay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waqtigaas Afgaanistaan uma aysan ekaan sida maanta. Waqtigaas dhibaatooyin ayaa jiray iyo dagaallo meelo badan ka dhacaayay.
BBC waxay weydisay sida uu ula socdo xaaladda dalka.
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan wuxuu yiri halkan waxaan leenahay maamul ka soo ururiya dhammaan gobollada Afgaanistaan warbixinta maalinlaha ah ee goobaha milatari iyo kuwa rayidka. Meel kasta oo dhibaato ka dhacdo waxay noo soo diraan war degdeg ah.
Masuulka ugu sarreeya Arg iyo safarradiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan wuxuu leeyahay safarrada gobollada aad uma jecla, wuxuuna rabaa inuu shaqada dadka ka dhammeeyo halkan Arg.
Waxaan sidoo kale weydiinay Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Taalibaan gobollada uu booqday.
Wuu dhoollacaday oo wuxuu sheegay in uu meelo badan soo maray, laakiin hadda ma jecla inuu safro. Asxaabtiisu waxay ku adkeysanayaan inuu gobollada booqdo, laakiin isagu wuu diiday oo wuxuu yiri ku-xigeenadayda iyo asxaabta kale ha tagaan.
Ujeeddadiisu waa inuu doorbidayo inuu joogo oo uu shaqada halkan ka qabto, halkii uu safri lahaa.
Wuxuu yiri waxa ugu farxadda badan ee aan jecelahay waa inaan u adeego qof muslim ah. Xitaa haddii ay tahay shaqo yar oo aan u qabto hal qof oo Muslim ah, taas waxay iiga farxad badan tahay nasashadayda iyo safarkayga. Sidaa darteed ma baxo. Subaxda waan soo baxaa ilaa habeenkiina halkan ayaan fadhiyaa.
Mulla Hassan Akhund wuxuu yiri ma isticmaalo telefoon weyn oo casri ah. Wuxuu ku dhageystaa kaliya wararka, wuxuuna isticmaalaa telefoon yar oo fud. Wuxuu yiri habeenkii oo keliya ayuu furaa.
Wuxuu yiri markaan guriga tago waxaan shidaa taleefankeyga. Habeenkii markuu seexdo wuxuu dhagaha ag dhigaa taleefan yar.
Wuxuuna u sheegay Madaxa Xafiiska iyo saaxiib kale in haddii habeenkii wax degdeg ah dhacaan, xitaa haddii ay tahay hal, laba ama saddex saac, ay wacaan. Haddii aysan wicin wuxuu yiri qoorta ayaa la jabiyaa.
Su'aalahii ii harsanaa ee ku saabsanaa magacaabista xilalka dowladda iyo mas'uuliyadaha Arg waxaan u gudbiyay Madaxa Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, markaasaan weydiiyay sida ay shaqadu u kala qaybsan tahay Arg iyo hoggaanka jooga Kandahar. Markaa Dr. Abdul Wasi' ayaa ii sharraxay.
Waxa la eegaa baahida. Sida caadiga ah haddii wasaarad ama hay'ad weyn ay soo jeedin qabto, waxay toos ugu timaadaa Ra'iisul Wasaaraha. Ilaa heerka saddexaad, go'aanka iyo awoodda waxay ku jirtaa gacanta Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Arg ha ahaado Xafiiska Madaxweynaha ama Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, gudaha siyaasadda iyo dhaqanka Afgaanistaan waxaa loo arkaa xarunta ugu weyn ee awoodda iyo xukunka dalka.
Sidaas darteed in meeshaas la qabsado aad ayay u adag tahay, sababtoo ah tartan iyo loolan badan ayaa ka dhaca. Kadib marka la qabsado, hawsha ugu adag waxay noqotaa in la ilaaliyo awooddaas oo aysan gacanta ka bixin, iyo in si sax ah loo maamulo dalka iyo arrimaha dadka.
Sababta ay u adag tahay waa in ay la socotaa mas'uuliyad weyn. Waa inaad xalisaa dhibaatooyinka dalka, aadna ka jawaabtaa baahida dadka. Waxay kaloo la socotaa cadaadis siyaasadeed. Waxaa jira dhinacyo badan oo iska soo horjeeda, dhaliilo, shirqoolo, iyo tartan joogto ah oo doonaya inay ku ridaan.
Qabsashada kursiga waa hal arrin, laakiin ku fadhiisiga iyo waddidda dalka waa shaqada ugu dhibka badan. Guud ahaan, awoodda ugu sareysa Afgaanistaan waa meel halis ah haddana mas'uuliyad badan leh.
Aniguna markaan ka soo baxay xaruntan awoodda badan leh oo qorraxdu ka dhacayso, waxaa maskaxdayda soo gashay su'aalo badan oo ku saabsan taariikhda Afgaanistaan ee ay ka buuxdo dhiig daatay iyo isbeddelladii siyaasadeed ee hore ee dalka soo maray.
Waxaana qaba in jawaabaha su'aalahaas oo dhan ay adag tahay in la helo.














