Digniinta nin indhihiisa ay waxyeello ka soo gaartay qorrax-madoobaadka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Onyi Ubadigha
- Role, Galbeedka England
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Nin ay indhihiisu si joogto ah waxyeello uga soo gaartay ka dib markii uu daawaday qorrax-madoobaadkii 1999-kii, ayaa dadweynaha uga digay khataraha ka dhalan kara isticmaalka qalabka aan saxda ahayn ee indhaha lagu ilaashado marka la daawanayo dhacdadan.
Qiyaastii 27 sano ka hor, Peter Smith oo ka soo jeeda Taunton, dalka Ingiriiska, ayaa daawaday qorrax-madoobaadkii isaga oo xiran maaskaro alxanle oo uu soo amaahday, isagoo u malaynayay inay indhihiisa ka ilaalinayso fallaadhaha qorraxda.
Subaxdii xigtay, wuxuu indhihiisa ku arkay iftiinno biriq-biriq ah, waxaana la socday madax-xanuun. Markii dambe waxaa la ogaaday in labada xuub ee dambe ee indhihiisa ay waxyeello soo gaartay. Hadda wuxuu dadka oo dhan ka codsanayaa inay si habboon u ilaashadaan indhahooda si ay si ammaan ah ugu raaxaystaan qorrax-madoobaadka.
Smith wuxuu yiri: "Hubi in qalabku leeyahay ilaalinta iyo shaandheeyayaasha ku habboon si looga fogaado waxyeello kasta, sababtoo ah dhaawacu waa mid aan dib loo sixi karin. Ma aha wax la mid ah inaad gacanta iska goyso."

Smith wuxuu sheegay in uu weli dareemayo saameynta ka dhalatay markii uu si toos ah u eegay qorrax-madoobaadka.
"Xitaa hadda, waxaa weli jira raadadkii dhaawaca. Marka aan daalo, mararka qaarkood waxaa dib u soo muuqda dhibic ifaysa oo indhahayga ku biriqda, mana aha wax lagu raaxaysto marka ay taasi dhacdo."
"Haddii aad qorshaynayso inaad tagto oo aad daawato, hubi in wax kasta oo aad haysato ay sax yihiin."
Sarah Farrant, oo ah khabiir ku takhasusay indhaha (optometrist) oo ka tirsan Taunton, ayaa ka digtay in daawashada qorrax-madoobaadka iyada oo aan la isticmaalin ilaalin ku habboon ay dhaawici karto xuubka dambe ee isha (retina) iyo macula-da, kuwaas oo ku yaalla qaybta dambe ee isha.
Farrant waxay tiri: "Qorrax-madoobaadka qayb ahaan ka dhacaya UK wuxuu dhab ahaantii dadka ku dhalin karaa rabitaan ah inay qorraxda eegaan, laakiin weli waxaa jira shucaac ku filan oo dhaawac keeni kara, xitaa marka qorraxdu halkan UK ku leedahay iftiinkeeda ugu hooseeya."
"Haddii indhaha aan la ilaalin marka qorraxda la eegayo, waxaa qaybta dambe ee isha ka dhalan kara waxa loo yaqaan 'gubashada qorraxda', taas oo sababi karta cawaaqib joogto ah oo ku yimaada aragga dhexe."

Sida loo daawado qorrax-madoobaadka si ammaan ah
Dadka doonaya inay daawadaan qorrax-madoobaadka, habka ugu badbaadsan waa in la isticmaalo muraayadaha qorrax-madoobaadka ee la xaqiijiyay inay waafaqsan yihiin heerka badbaadada ISO 12312-2, ama qorrax-madoobaadka si dadban loo daawado.
In qorraxda si toos ah loogu eego indhaha qaawan, iyadoo la adeegsanayo muraayadaha qorraxda, kamarado aan lahayn shaandheeye, binoculars ama telescope, waxay sababi kartaa dhaawac weyn.
Shaandho jikada ayaa loo isticmaali karaa in qorrax-madoobaadka si dadban loo daawado. Si taas loo sameeyo, ku hay shaandhada dhulka korkeeda adigoo dhabarka u jeediyay qorraxda. Daloolada shaandhadu waxay markaas dhulka ku soo tuuri doonaan sawirro taxane ah oo qorraxda u eg bilaha yaryar.
Qorrax-madoobaad
Mararka qaar, markii Dayaxu uu ku wareego dhulka, wuxuu ku kala gooshaa Qorraxda iyo meeraheenna dhexdooda, isagoo xiraya iftiinka qorraxda taas oo keenaysa qorrax madoobaad. Si kale haddii loo dhigo, Dayaxu wuxuu hooskiisa ku tuuray dhulka dushiisa.
Laakiin waxaa jira saddex nooc oo qorrax madoobaad ah, kuwanna way ku kala duwan yihiin midba midka kale sida - iyo inta - uu dayaxu u daboolo qorraxda.















